RW Barre oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golihiisa Wasiirada

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta magacaabay Wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golihiisa Wasiirada.
Raysal Wasaaraha ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay laba Wasiir, ka dib markii uu tixgeliyay talada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Raysal Wasaaraha ayaa Jamaal Maxamed Xasan u magacaabay in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.
Jamaal Maxamed Xasan ayaa horey u soo noqday Wasiirkii Qorsheynta ee Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirkii Somaliya ee Kenya.
Jamaal Maxamed Xasan ayaa bedelaya Maxamuud Axmed Aadan (Gesood), oo muddooyinkan ku magacawnaa Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha.
Raysal Wasaare Barre ayaa sidoo kale Ayuub Ismaaciil Yuusuf u magacaabay in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta.
Ayuub Ismaaciil oo horey u soo noqday Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, haddana ah Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan ayaa bedelaya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xilkan hayay.
Digreetada lagu magacaabay Wasiiradan ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo).


