RW Barre oo sheegay in la soo xiray askartii dishay bajaajleyda

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta ka hadlay dhacdooyinka muddooyinkii ugu dambeysay ka dhacay Magaalada Muqdisho, laguna dilay qaar ka mid ah darawalada mooto bajaajta ayaa sheegay in la soo xiray cid kasta oo ku lug laheyd dhacdooyinkaasi.

Raysal Wasaaraha oo boqolaal qof oo shacab ah Salaadda Jimcaha kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa sheegay in eedeysaneyaasha ay haatan ku jiraan gacanta sharciga, caddaaladana la waafajin doono.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ula socon doonaan, oo ay u arki doonaan dadka falalkaasi ku eedeysan oo la maxkamadeynayo.

Raysal Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada dhammaan ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii birmagaydada ahayd ee ku dhimatay dilalkii ka dhacay Caasimadda Muqdisho, ee ay ku lugta lahaayeen qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka.

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa bidhaamiyay in ciqaabta ugu adag la marsiin doono askari kasta oo gabood-fal kula kaca shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howlgudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha magaalada laga mamnuucay askarta balwadda leh.

Masuuliyiinta dowladda ee isticmaala wadooyinka ay yaallaan barraha amniga ayuu ugu baaqay Raysal Wasaaruhu in ay si wanaagsan ula dhaqmaan ciidamada, bacdamaa ay u taagan yihiin inay cadowga ka difaacaan shacabka Soomaaliyeed.

Raysal Wasaare Barre ayaa shacabka ugu yeeray midnimo, amni iyo in wadajir bulsho laga shaqeeyo.