RW Xamse: SSC Khaatumo waa maamul ka tirsan Dowladda Federaalka
Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay in Maamulka SSC Khaatumo uu yahay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka.
Raysal Wasaaraha ayaa xalay cod dheer ku sheegay in SSC Khaatumo ay tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
"Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC Khaaatumo tahay deegaan iyo maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan Dowladda Federaalka ee Somaliya, mana ahan meel lagu murunsan yahay." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaaraha ayaa saaxiibada caalamiga ah ugu baaqay in ay maamulkani ula dhaqmaan, si la mid ah maamulada kale ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
"Sidaa darteed dhammaan saaxiibada Somaliya, kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba waxaa waajib ku ah in ay si la mid ah maamulada kale ee federaalka ah ay Maamulka Khaatumo ula dhaqmaan." Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xalay ka hadlayay kulan soo dhaweyn ah oo wafdigiisa loogu sameeyay Magaalada Laascaanood.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri "Intaan haddii aan iri waxay ila tahay inaysan jawaab dambe nagu harin. Waxaan filayaa in waxa ay tahay shaqo, nabad iyo intaad caawa noo sheegteen inay tahay."
Raysal Wasaare Barre ayaa Sabtidii gaaray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdigiisa.
Safarkan oo ah kii koowaad ee Raysal Wasaaruhu ku tago Xarunta SSC Khaatumo ayaa wuxuu ku sheegay inuu xambaarsan yahay midnimo, nabad iyo walaalnimo Soomaaliyeed.
Socdaalkiisan ayaa waxaa si adag uga horyimid Somaliland iyo Puntland, iyadoo Somaliland ay ka digtay wixii cawaaqib ah ee ka dhasha.
Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa Khamiistii safarkan ku tilmaamay mid ka tarjumaya go’aanka adag ee Dowladda Federaalka ay u qaadatay sida uu yiri xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Raysal Wasaaraha ayaa Axaddii xarigga ka jaray Xarunta Hay’adda Diiwaangelinta Aqoonsiga Dadweynaha ee NIRA, oo xarun cusub ku yeelaneysa deegaanada SSC Khaatumo, tani oo qayb ka ah dadaalada ay dowladdu adeegyadeeda ku gaarsiineyso maamulkaasi.