Saadaq Joon iyo Yaasiin Farey oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xildhibaanadan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Militariga Jabuuti ee fadhigoodu yahay garoonkaasi, xubno ka socda Madaxtooyada Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi.

Labada Xildhibaan ayaa waxaa gaadiidka gaashaman loogu gelbiyay dhinaca Madaxtooyada Galmudug, halkaas oo uu degan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Wararka ayaa sheegaya in Saadaq Joon iyo Yaasiin Farey oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ay taageerayaan dadaalada dadka deegaanka ee lagaga hortagayo burbur ku yimaada Maamulka Galmudug.

Galmudug ayaa gashay xiisad siyaasadeed, ka dib markii toddobaadkii hore uu soo ifbaxay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoorqoor.

Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta qaar ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu baaqaya in aanu gacmihiisa ku burburin Galmudug, haddii kalena ay taasi cawaaqib ba'an ku yeelan doonto wadajirka iyo amniga dadka deegaanka.