Saaxiibada caalamiga oo kordhiyay duqaymaha ay ka gaysanayaan dalka

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saaxiibada caalamiga ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay kordhiyay weerarada dhanka cirka ay ka gaysanayaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Jimcihii shalay oo ugu dambeysay diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa duqayn xoogan ka gaystay xadka Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe, gaar ahaan tuulada Labi Aw-Xasan, halkaas oo fariisimo ay ku lahaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Duqaynta ayaa la sheegay inay daba socotay hawlgal ay Ciidanka Xoogga Dalka ka wadeen deegaanada Raydab Boorow iyo Hareeri Culusow oo ku dhow xadka labadaasi gobol.

Isla Jimcihii duqayn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday meel aan sidaasi uga fogayn deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Duqaynta ayaana ka dambeysay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka la sheegay inay heleen macluumaad ku aaddan in xubno ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay halkaasi isku uruursanayaan.

Duqaymahan ayaa ah mid Dowladda Federaalka looga caawinayo dagaalka ay dooneyso in ay xididada ugu siibto Al Shabaab.

Mareykanka iyo Turkiga ayaa la fahamsan yahay in ay yihiin laba dal ee sida joogtada ah Villa Somalia uga taageera weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah Shabaabka, oo loo arko khatarta ugu weyn ee amni ee maanta ka jirta Afrika.