Sacdiya Yaasiin oo si kulul u weerartay Madaxweyne Deni
Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa si adag uga hadashay tallabada wafdigeeda looga hor istaagay in ay u socdaalaan Magaalada Garoowe.
Diyaaraddii wafdigeeda ka qaadi lahayd Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa loo sheegay inaanay wafdigaasi u soo qaadi karin dhanka Garoowe.
Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa sheegtay inaanu wafdigeeda wax siyaasad ah ugu socon Puntland, balse ay doonayeen in ay kaga qaybgalaan caleemo-saarka Suldaan Bashiir Suldaan Cabdullaahi.
"Waxaan ka mid ahayn maanta dadka wafdiga ahaa ee u socday caana shubka Suldaan Bashiir Suldaan Cabdullaahi, waxaana nahay dadkii deegaanka u dhashay, metelaayayna." Ayay tiri Marwada ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ahna Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee golahaasi.
"Waa ayaan darada ka soo cusboonaatay Puntland maantay in annagoo masuuliyiin ah, deegaankeenii u socona, siyaasad aan u socon in nala dhaho diyaaradda ka soo degga." Ayay sii raacisay.
Waxay sheegtay in markii labaad ay noqoneyso in laga hor istaago inay u safarto Puntland, iyadoona horaan diyaarad ay la socotay oo deeq raashiin u wadday loo diiday in ay ka soo caga-dhigato Garoonka Magaalada Boosaaso.
Iyadoo Warbaahinta kula hadleysay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in shalay oo ugu dambeysay ay Garoowe gaareen wafdi Senataro ah oo uu hoggaaminayay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoona su'aalo ka keentay waxa iyada loo hortaagan yahay.
Sacdiya Yaasiin ayaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeysay in uu dalka ku soo kordhiyay, waxa ay ku sheegtay siyaasad lagu la xifaaltamayo haweenka.
"Siyaasadda waxaa ku soo cusboonaatay xifaaltanka qof dumar ah oo gorgoradeeda lagu dheganado. Deni maanta celinta uu i soo celiyay waxay muujineysaa xishood la'aan siyaasadeed." Ayay tiri Sacdiya Yaasiin.
Sacdiya Yaasiin ayaa intaasi ku dartay "Dadka reer Puntland waxay kaga falcelin doonaan iyagaa garanaya, laakiin wax kale oo aan ku darayo ma jirto."
Madaxweyne Deni ayaa 30-kii bishii May sheegay in Puntland ay si gooni ah u dhaqmi doonto, illaa iyo inta laga helayo wax heshiis lagu yahay, ka dib muddo billo ah oo khilaaf uu kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka. Deni ayaa xilligaasi qaadacay qodobadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.




