Sacuudiga oo doonaya in si dhameystiran Emirate-ka looga saaro Somaliya

Sacuudiga ayaa doonaya in si dhameystiran Emirate-ka Carabta looga saaro Somaliya, ka dib markii dhawaan ay Dowladda Somaliya ku qanciyeen in ay soo afjarto iskaashigii difaaca iyo amniga ee ay la lahayd Dowladda Emirate-ka Carabta iyo in meesha laga saaro heshiisyadii iyo wada shaqayntii ay saraakiisheeda ku joogeen Dekedaha Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera.

Diblomaasiyiinta iyo Saraakiisha Militariga ee Emirate-ka Carabta ayaa Khamiistii iyo Jimcihii isaga huleelay Magaalada Muqdisho, iyadoo la fulinayo go'aankii Golaha Wasiirada Somaliya ee lagu laalay dhammaan howlihii ay Emirate-ka Carabta ka wadeen dalka. Dowladda Somaliya ayaa Abu Dhabi ku eedeysay in ay wadday tallaabooyin guracan oo ka dhan ah gobanimada, midnimada qaranimo iyo madaxbannaanida siyaasaded ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Hase yeeshee Somaliland, Puntland iyo Jubbaland ayaa si weyn uga horyimid tallaabada ay Dowladda Federaalka ku soo afjartay heshiisyadii dhinacyada kala duwan lahaa ee lagu la jiray Abu Dhabi.

Inkasta oo Emirate-ka Carabta ay jug weyn kala kulmeen go'aanka ay Villa Somalia ku muujisay inaanan dalkan laga rabin, haddana Sacuudiga ayaa garowsan in taasi aysan weli ku filneyn in si buuxda loo xaqiijiyo in joogitaankii Emirate-ka Carabta ee Somaliya la soo afjaro, walow uusan Emirate-ka Carabta isticmaali karin hawada Somaliya, ogolaansho la'aanta Dowladda Federaalka, si aysan dunida ugu muujin in uu yahay dal aan ixtiraamin shuruucda dalalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in Sacuudiga uu xiriiro toos ah la bilaabay Puntland iyo Jubbaland, isla-markaana uu weli kula jiro wada hadal uu kaga dalbanayo in ay ku daba feelaan Dowladda Federaalka iyo in taageeradii Abu Dhabi iyo mid ka badanba ay Riyadh ka heli doonaan.

Saraakiil ka socota Sacuudiga oo ku sugan Muqdisho ayaa sugaya Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku joogay dalkaasi Emirate-ka Carabta. Saraakiishan ayaa qorsheynaya in ay u safraan Garoowe, marka uu dhawaan dib ugu soo laabto Madaxweyne Deni.

Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa suurtagal ah in ay dib ka ogolaadaan inay u hoggaansamaan go'aanka Dowladda Federaalka, waa haddii ay dareemaan saamaynta togan ee Sacuudiga iyo faa'iido ka badan middii ay Abu Dhabi ku qabeen, taasi cagsigeedana waxaa laga yaabaa in Riyadh ay diidmo adag kala kulanto Puntland.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la fahamsan yahay in tallaabada ay xiriirka wada-shaqeynta ugu jartay Emirate-ka Carabta ay ku bedelaneyso ballanqaad maaliyadeed iyo mid militari oo Boqortooyada Sacuudiga ay ka heshay.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa qaba in Villa Somalia ay markii horeba ka dheregsaneyd in Abu Dhabi ay fara-gelin ku haysay arrimaha gudaha, balse ay ugu dulqaadaneysay taageeradii joogtada ee ay ka heli jirtay.

Ilaha ku dhow dhow Madaxtooyada Somaliya ayaa laga soo xigtay in Dowladda Soomaaliyeed ay ballanqaad buuxa ka heshay Boqortooyada Sacuudiga, kaas oo ku saabsan in Riyadh ay buuxin doonto kaalintii Abu Dhabi ee dalka iyo in ay maalgelin ballaaran ku samayn doonaan Somaliya.

Emirate-ka Carabta ayaa Villa Somalia ka taageerayay mushaarka ciidamada qaybtood iyo tababarka ciidamo gaar ah oo Abu Dhabi ay qalabeynaysay. Militariga Emirate-ka Carabta ayaa saddexdii sano ee u dambeysay gacanta ku hayay Xerada General Gordon ee Degmada Hodan, oo ay ku tababarayeen ciidamada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 2-dii bishii December ee sanadkii 2024 Xerada General Gordon ugu magac-daray Korneyl Mohamed Mubarak Al Mansouri oo ahaa Sarkaal Emirati, si loogu maamuuso doorkii uu ku qaatay tababarka ciidamada. Sarkaalkan ayaa 10-kii bishii February ee sanadkaasi lagu dilay toogasho uu nin askari ahaa ka gaystay gudaha xeradaasi. Askarigan ayaa ka mid ahaa askar loo qaatay in si gaar ah loo tababaro, wuxuuna xilligaasi uu beegsaday tababareyaal u dhashay dalalka Emirate-ka Carabta iyo Bahrain, xilli la tukanayay Salaadda Maqrib. Korneylka ayaa lala dilay saraakiil kale oo lagu kala magacaabi jiray Mohamed Al Shamsi, Khalifa Al Balushi iyo Suleiman Al Shehhi, waxaana masuulyadda weerarkan sheegatay Al Shabaab. Xerada General Gordon ayaa dib loo furay sanadkii 2022 oo Emirate-ka Carabta ay ku soo laabteen, ka dib markii ay ka taggeen sanadkii 2018, sababo ku aaddan khilaaf xilligaasi ka dhex jiray iyaga iyo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna dib u soo laabashadooda ay ka dambeysay heshiis amni oo Dowladda Emirate-ka Carabta ay la gashay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa Arbacadii sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay taageero iyo is garabtaagba u muujisay Dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 13-kii bishan sheegay in mowqifka adag ee ay ka qaateen Emirate-ka Carabta aan loola jeedin in dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo, wuxuuna taasi bedelkeeda sheegay in dowladdu ay horumarin doonto nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaan u caddeeyo go’aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeenna dhibaato ka soo gaarto. Sidaa daraadeed dowladdu waxay masuuliyad weyn iska saareysaa in wax kasta oo taabanaya nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso oo weliba ay horumarineyso. Waxaan masuuliyad buuxda iska saari doonnaa, sidii dadku u dareemi lahaayeen xorriyad, madaxbannaani dhaqaale iyo mid siyaasadeed, iyagoo kalsooni buuxda ku qaba dalkooda qaniga ah iyo dowladdooda daacadda ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkan ku sheegay khudbad uu kala hadlayay shacabka Soomaaliyeed.

Sacuudiga ayaa waxaa cad in caqabadda ugu weyn ay kala kulmi doonaan Somaliland, oo iyadu xiriir adag la leh Saraakiisha Emirate-ka Carabta, lamana garanayo, sida ay ugu qancin karaan in ay ka eryaan Dekedda Berbera.

Sacuudiga ayaa waxaa ka go'an in ay si buuxda Emirate-ka Carabta uga riixaan dhulka Soomaalida iyo Geeska Afrikaba, iyagoona samayn doona wax kasta oo taasi ay ku xaqiijinayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in dhawaan uu u safro Sacuudiga, iyadoo labada dal ay qalinka ku duugi doonaan heshiis iskaashi difaac ah.