Saddex qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne

Saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Buundoweyn, gaar ahaan halka loo yaqaano Isbartiibo, oo ah suuq lagu iibiyo balka, xaabada iyo caanaha laga keeno tuulooyinka ku yaala bariga Gobolka Hiiraan. Suuqa Isbartiibada ayaa waxaa si joogta ah uga hawlgala xoogag ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley.

Qaraxa ayaa u muuqday miino lagu aasay goobtaasi, si loogu dhibaateeyo Macawiisleyda deegaanka, balse ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo suuqaasi ku sugnaa, iyadoo mid ka mid ah dadka dhintay uu isbitaalka ugu geeriyooday dhaawac culus oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Ciidanka Xoogga Dalka oo fariisimo ku leh bannaanka xaafadda Buundoweyn iyo Booliska Saldhigga Beledweyne ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, ka dib markii ay halkaasi gaareen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay baaritaano amniga la xiriira ka sameeyeen suuqa, walow aysan jirin cid ay illaa iyo hadda qaraxaasi u soo qabteen.

Qaraxyada ceynkani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay inay gaystaan maleeshiyada Al Shabaab, inkastoo maleeshiyadu aanay sheegan masuuliyadda qaraxan.

Macawiisleyda oo ah maleeshiyaad qabaa'il ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay Ciidamada Militariga ka gacan siinayay la dagaalanka Al Shabaab.