Safarka Raysal Wasaaraha Somaliya ee Kenya oo ku qotoma arrimo kala duwan

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Musalia Mudavadi, Wasiirka Gaashaandhigga, Aadan Barre Ducaale iyo xubno kale oo laga xusi karo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Safiirka Somaliya u jooga dalkaasi, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Safarka Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa ku qotoma adkeynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, socdaalka, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Raysal Wasaaraha ayaa ku biiraya kulamo maalmahaanba Magaalada Nairobi uga socday labada dowladood, lana xiriira iskaashigooda.

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegay in wada hadalada u socda iyaga iyo Kenya ay khuseeyaan waxyaabaha danta u ah labada dal ee deriska ah.

"Waxaan rajeynaya heshiisyo dan u ah labada shacab, labada dowladood iyo gobolkaba inaan ku soo geba-gabayno." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Barre ayaa inta uu ku sugan yahay magaaladaasi waxa uu sidoo kale kula kulmi doonnaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.