Safiirka Mareykanka oo soo geba-gabeeyay howlihiisii diblomaasiyadeed ee dalka
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa galabta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan lagu sagootinayay Safiirka Mareykanka ee dalka, Danjire André Larry.
Raysal Wasaaraha ayaa Dowladda Mareykanka kaga mahadceliyay taageerada ay siiso shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, la dagaalanka argagixisada, waxbarashada, arrimaha bulshada iyo bani’aadanimada.
Raysal Wasaaraha ayaa Dowladda Mareykanka ku ammaanay in muddo dheer ay Somaliya ka taageereysay dowlad dhiska, isagoona si gaar ah Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday uga mahadceliyay howlihiisii shaqo ee dalka, kaas oo uu sheegay in dalka uu yimid xilli adag, oo ay ka jireen caqabado amni, siyaasadeed iyo xaalado bani’aadanimo.
Danjire Andre ayaa dhameystay howshiisii diblomaasiyadeed ee dalka, iyadoona daba-yaaqadii bishii March uu Madaxweyne Joe Biden ku soo bedelay Safiir cusub, oo lagu magacaabo Richard H. Riley.
Munaasabaddan lagu sagootinayay Danjiraha ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka.
















