Saraakiil Shabaab oo la sheegay in lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegtay in hawlgal Axaddii ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe lagu dilay 15 ka mid maleeshiyada Al Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan saddex horjoogeyaal ah.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xubnahan lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen tuulada Jabad Godane oo ka tirsan deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi.

"Hawlgalkan waxaa lagu dilay ku dhawaad 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen horjoogeyaal caan ku ahaa dhibaataynta shacabka iyo abaabulka falal argagixiso." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa waxa kaloo lagu sheegay "Dhagarqabeyaasha lagu dilay hawlgalka waxaa ka mid ah Jacfar Aadan - Horjoogihii Khawaarijta deegaanka Jabad Godane, Cabdirisaaq Cali - oo qaabilsanaa daweynta Khawaarijta iyo Daa'uud -Horjoogaha qayb ka mid ah maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay deegaanka."

Warka ayaa lagu soo geba-gabeeyay "Hawlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda Khawaarijta Al Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka iyo saadka. Tani waa qayb ka mid ah dadaalada joogtada ah ee Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayo khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka."