Saraakiisha Ciidamada oo kulan kaga qaybgalay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo masuuliyiin kale ayaa caawa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaga qaybgalay kulan lagu xoojinayo amniga caasimadda.

Masuuliyiintan ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah la qaatay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska.

Masuuliyiinta ayaa ammaanay, sida ciidamada ammaanka ay isaga kaashadeen hawlgaladii tobanka dambe ee bisha Ramadan lagu sugayay amniga magaalada, iyadoona ay tani door weyn ka qaadatay in is bedel dhanka amniga ahi laga dareemo caasimadda.

Laamaha amniga ayaa amniga Muqdisho ku wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare, kuwaa oo si toos ah uga amar-qaata Taliska Booliska.

Ciidamada ayaa sii wadi doona hawlgalka loogu magac-daray (Ciiltire) ee lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambaynta magaalada, iyadoona ay sidoo kale ka shaqayn doonaan hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, ee ay Dowladda Federaalka soo saartay 9-kii bishan.

Kulankan ayaa noqonaya kiisii labaad ee muddo toddobaad gudihiis ah uu ka soo muuqdo Mahad Maxamed Salaad, oo aan inta badan looga baran in uu ka qaybgalo shirarka looga hadlayo arrimaha amniga ee dalka.