Saraakiisha Galmudug oo soo bandhigay ragga loo soo qabtay dilka dumarka
Taliska Booliska Galmudug ayaa caawa soo bandhigay saddex nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo ku eedeysan dilka hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay oo habeen hore lagu dilay meel ku dhow deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Taliyaha Booliska Galmudug, Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay raggan ayaa marka hore u mahadceliyay Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Degmada Baxdo iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Taliyaha ayaa si toos ah raggaasi ugu eedeeyay in ay uga dambeeyaan dilka arxandarrada ah ee loo gaystay hooyadaasi iyo gabdhihii ay dhashay, isagoo intaasi ku daray in dhib badan laga maray soo qabashadooda.
"Hortiina ayay fadhiyaan dadkii dadkiina dilay, ciddii u dirtay ayagaa sheegi doona." Ayuu yiri Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Baxdo.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in baaritaanka lagu samaynayo raggaasi la bilaabi doono, ka dibna sharciga la horgayn doono, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay sharciga ku kalsoonaadaan.
"Baaristaa bilaaban doonta, sharciga ayaana la horgayn doonnaa. Waxaan idiinka codsanaynaa inaad sharciga ku qanacdaan." Ayuu yiri Taliyuhu.
Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Baxdo, Axmed Sheekh Cabdullaahi Warsame oo ka garab hadlayay Taliyaha Booliska ayaa sheegay inaanan cidina laga ogolaan doonin in ay qalqal ku abuurto shacabka.
"Kuwa qalqalka amni ka dhex ridaya dadka Soomaaliyeed ama deegaanada hadda aan joogno ee qalqalka ka dhex ridaya inaysan ka macaashi karin. Qof kasta ee dembi galana meel alaala iyo meeshii uu galo looga daba tagi doono, Insha'Allah. Waxaa bilaabatay sifayn la sifeynayo deegaanka dhexdiisa oo dadka dhagarqabeyaasha ah oo 24-ka saac u taagan dadka inay dhibaan lagaga sifeynayo." Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Baxdo.
Gudoomiye Kuxigeenka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dadka deegaanka ee kala shaqeeyay soo qabashada raggaasi.
"Waxaan u mahadcelinayaa dadka deegaanka ee naga la shaqeeyay barnaamijkaas, oo aan la ilaabi karin kaalintii ay ka qaateen." Ayuu yiri Axmed Sheekh Cabdullaahi.
Goobta lagu soo bandhigay raggan ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Galmudug, Gaashaanle Maxamed Cabdullaahi Xaashi (Xidig).
Saraakiisha ayaa ka shaqeynaya, sidii eedeysaneyaasha lagu gayn lahaa Magaalada Dhuusamareeb, si halkaasi ay baaritaanka ugu maraan, looguna maxkamadeeyo.