Saraakiisha Militariga oo wax ka bedelaya muuqaalka amniga Baydhabo
Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa diiradda saaraya, sidii ay meesha uga saari lahaayeen walaaca amni ee ay qabaan bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo, iyadoo ay kordhayaan weerarada lagu qalqalgelinayo amniga magaaladaasi.
Taliska Militariga ayaa daba-yaaqadii isbuuca ciidamo xoojin ah geeyay bannaanada magaalada, ka dib weerarkii Khamiistii lagu bartilmaameedsaday Saraakiil iyo askar ka tirsan Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Weerarka waxaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee lala beegsado Ciidamada Dowladda Federaalka, tan iyo is bedelkii siyaasadeed ee 30-kii bishii March ka dhacay magaaladaasi.
Weerarkan ayaa ka argagaxiyay dadka reer Baydhabo, marka aad eegto in lagu dilay xubno ay ka mid ahaayeen laba taliye guuto, oo kala ah Taliyihii Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, Cali Maxamed Aadan (Cali Caddow) iyo Taliyihii Guutada 9aad, Yoonis Aadan Xasan. Weerarka ayaa lagu eedeeyay inay iska kaashadeen ciidamo taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu cannaantay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo keentay in Jimcihii Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) loo diro Baydhabo iyo in ciidamo hor leh la geeyo kontoroolada laga soo galo magaalada, iyadoo sidoo kalena lala soconayo dhaqdhaqaaqa meelaha aan barraha amniga ku oolin, balse looga soo tallaabi karo magaaladaasi.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Wasaaradda Gaashaandhiga ay qalab ciidan ka dejisay Baydhabo, laguna wareejiyay Saraakiisha Qaybta 60aad ee fadhigoodu yahay magaaladaasi.
General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka oo weli ku sugan Baydhabo ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga magaalada, oo ay ka qaybgaleen Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale, Taliyaha Guutada 17aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Xuseen Salaad Ibraahim (Moolif) iyo Saraakiil kale.
Taliska Ciidanka Dhulka ayaa war qoraal ah ku sheegay in kulanka looga hadlay, sidii loo xoojin lahaa amniga Magaalada Baydhabo, loona dardargelin lahaa la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Saraakiisha Qaybta 60aad ayaa kuu sheegaya in General Cirro uu adkeeyay in ciidamadu ay si dhow isaga kaashadaan dadaalada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi, khatartana looga fogayn lahaa deegaanada ku dhow dhow.
General Cirro ayaa la sheegaya in uu Saraakiisha Ciidamada faray inay xuuraan iyo fallanqayn amni ka helaan bannaanada magaalada, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka taabacsan Madaxweyne Laftagareen iyo maleeshiyada Al Shabaab, si loogu diyaargaroobo in laga hortago weerarada ay ku soo qaadi karaan kontoroolada laga ilaaliyo amniga magaaladaasi.
Magaalada ayaa waxaa mararka qaarkood ku soo dhaca hoobiyeyaal laga soo tuuro duuleedyadeeda, waana tan keeneysa in la raadiyo xogta kooxahaasi, si haddii loo baahdo xagga cirka looga garaaco.
Saraakiisha Ciidamada ayaa isku dayi doona inay xiriiro la sameystaan dadka ku dhaqan daafaha magaalada, si loo weeraro kooxaha carqaladeynaya ammaanka Baydhabo.
Dowladda Federaalka ayaa waxaa u suurtagashay inay Laftagareen ka ceyriso Baydhabo, kana saarto saaxada siyaasadda, balse la tacaalidda dabka taageereyaashiisa ayaa amniga magaalada ka dhigaya mid jilicsan.






