Saraakiisha Puntland oo soo bandhigay hub la sheegay in laga furtay Ciidanka PSF

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo PMPF ee Puntland ayaa deegaanka Laag ee duleedka Magaalada Boosaaso ku soo bandhigay hub la sheegay inay ciidamadu ka furteen Ciidanka PSF.

Taliska Ciidanka Daraawiishta ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidamadu ay hawlgal qaatay saacado kooban ku soo afjareen maleeshiyaad muddooyinkii u dameeyay qalqal amni ka abuuray Puntland.

Taliska ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu sal u yahay abaabulkooda, si ay u waxyeeleeyaan amniga iyo wadajirka Puntland.

"Ciidamada Difaaca Puntland ayaa deegaanka Laag ku soo afjaray hawlgal qaatay saacado kooban maleeshiyaad qalqal amni ka abuuray Puntland, muddooyinkii u dambeeyey, kuwaas oo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Somaliya sal u yahay abaabulkooda." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray "Xukuumadda waqtigeedu dhamaaday ee sharci darrada wadanka ku joogta ayaa maleeshiyaadkan u abaabushey, si ay u waxyeeleeyaan amniga, xasiloonida, wadajirka, dowladnimada iyo nabadda Puntland. Maleeshiyaadkan ayaa ciidamadu ka qabteen gawaari ciidan, hubka noocyadiisa kala duwan iyo maxaabiis, halka lagu raad joogo firxadkooda oo kala firdhaday, saacado koobana lagu soo afjari doono."

Ciidanka Daraawiishta iyo kuwa PSF ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ku dagaalamay deegaanka Laag, ka dib markii Daraawiishta Puntland ay ciidamadaasi ka horjoogsadeen safar ay ugu ambabaxayeen Magaalada Gaalkacyo, waxayna ku amreen inay dib ugu laabtaan Boosaaso, taasoo keentay iska horimaadka iyo in xalay oo dhan isku horfadhiyaan duleedka Boosaaso.

Dowlad Goboleedka Puntland oo ciidamo fara-badan u daabushay aagga Laag ayaa ku khasabtay Ciidanka PSF inay ka taggaan gaadiidkooda dagaalka.

Saraakiisha Puntland ayaa maanta gaadiidka laga la wareegay Ciidanka PSF geeyay Magaalada Boosaaso.