Saraakiisha Shabaab oo bilaabay in ay isaga baxaan Magaalada Ceelbuur

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in horjoogeyaaha maleeshiyada Al Shabaab ay bilaabeen in ay isaga baxaan Magaalada Ceelbuur.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay dib u bilaabeen gulufkoodii ku wajahnaa magaaladaasi.

Ciidamada ayaa dhaqdhaqaaq ka wada Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Galcad, iyadoona uu qorshuhu yahay in ay kula wareegaan Ceelbuur iyo Galhareeri, oo muddo dheer ay Shabaabku ka arriminayeen.

Hawlgalkan ayuu hakad ku yimid bishii April, markaas oo ay soo baxeen warar sheegaya in Shabaabku ay si khasab ah ku soo dagaal gelinayaan beelaha deegaanka, taas oo masuuliyiinta Galmudug ay sheegeen in ay ka feejigan yihiin.

Wararka laga helayo Ceelbuur ayaa sheegaya in Shabaabku ay abaabul ciidan ka wadaan duleedyada magaalada, horaana ay ka sameysteen dhufeysyo, mana cadda in ay ku dagaalami doonaan gacan ku haynta magaalada iyo in kale.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa Ceelbuur ku leh saldhigooda ugu weyn ee gobolka, waana magaalada ugu muhiimsan ee ay xilligan ka maamulaan Gobolada Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa horaantii sanadkan la wareegay gacan ku haynta Degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad ee gobolkaasi.

Shabaabka ayaa guluf ballaaran kala kulmayay ciidamada is garabsanaya, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska.