Sare u kac ku yimid sicirka badarka ee dalka, markii uu meesha ka baxay heshiiskii Badda Madow

Sicirka badarka ee suuqyada dalka ayaa la sheegaya in sare u kac uu ku yimid, toddobaadyo ka dib markii Ruushku uu ka baxay heshiiskii Dekedaha Badda Madow looga dhoofinayay dalaga beeraha Ukraine.

Kororka sicirka badarka ayaa kaabaya midkii horey uga jiray suuqyada dalka ee ka dhashay duulaankii Ruushku uu ku qaaday dalkaasi Ukraine. Somaliya ayaa tani kala mideysan dunida inteeda kale.

Ruushka ayaa bartamihii bishii July isaga baxay heshiiskii badarka ee Badda Madow oo muddo sanad ah shaqeynayay, ka gadaal markii Moscow ay sheegtay inaanay wax faa'iido ahi ku qabin heshiiskaasi.

Go'aanka Ruushka ayaa meesha ka saaraya ogolaanshihii ay Ukraine u haysatay in badarka ay si nabdoon uga dhoofiso Dekedaheeda Badda Madow, xilli dalalka Afrika ay ku tiirsanaayeen tacabka beeraha Ukraine.

Afrika ayaa lagu tilmaamaa suuq ganacsi oo ay si weyn ugu tartamaan Moscow iyo Kyiv. Labadan dal ayaa dibadda u iibgeeya boqolkiiba soddon (30%) sareenka dunida laga isticmaalo, taas oo ka dhigan boqolkiiba afartan (40%) sareenka Afrika laga isticmaalo.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in dalkiisu uu Afrika u dhoofin doono wax soosaarkii beeraha ee Ukraine, isagoo markaasi la wareegaya suuqii Ukraine ee qaaradda.

Madaxweynaha ayaa dhawaan shirkii Ruushka iyo Afrika ee ka dhacay Magaalada St. Petersburg ka sheegay in dalkiisu uu lix dal oo Afrikan ah uu si bilaash ah u siin doono qamadiga, saddexda illaa afarta bilood ee soo socota.

“Waxaan diyaar u noqon doonnaa saddexda illaa afarta bilood ee soo socota inaan si bilaash ah ku siino Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Somalia, Central African Republic iyo Eritrea 25,000-50,000 oo tan oo qamadi ah. Macaamiisha ugu diyaari badeecadahan si bilaash ah." Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Madaxweyne Putin ayaa Reer Galbeedka ku eedeeyay in ay ka masuul yihin sare u kaca ku yimid qiimaha cunnada ee suuqyada caalamiga iyo sicir bararka ka jira dunida,

Putin ayaa xilligaasi ballanqaaday in Moscow ay dabooli doonto baahida cunno ee Afrika, waana xilli ay daneynayso in ay xulafo adag ka sameysato qaaradda, iyadoona Putin uu gadaal ka riixayo qorshe dib loogu soo nooleynayo maalgashigii Midowgii Soofiyeet ee Afrika.

Ruushka iyo Ukraine ayaa duulaanka ka hor dibadda u dhoofin jiray  waxyaabaha kale ee loo isticmaalo bacriminta dalaga beeraha, oo dalal fara-badan ay ka faa’iideysan jireen.