Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Jowhar oo lagu dilay Magaalada JowharÂ

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Kaanti ayaa galabta lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Daahir Maxamed Kaanti oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Jowhar ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi.
Inkastoo laamaha amniga Hirshabelle aanay weli ka hadlin nooca uu qaraxu ahaa, haddana dadka deegaanka ayaa qaraxaasi ku sheegay miinada nooca dhulka lagu aaso.
Sidoo kale afar ka mid ah ciidanka ilaalada ee suuqaasi ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in xilligii uu qaraxu dhacayay uu mashquul badan ka jiray suuqaasi, oo maalin kasta oo Sabti ah la keeno xoolo fara-badan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Kaanti, oo sidoo kale ka tirsanaa Howlwadeennada Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle.
"Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariistee marxuum Daahir Maxamed Kaanti, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyada oo uu ka mid ahaa howlwadeennadeeda." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse Madaxweyne Guudlaawe ayaa ku eedeeyay maleeshiyada Al Shabaab.


