Sarkaal ka tirsanaa Hay'adda Nabad Sugidda oo lagu dilay Magaalada Marka

Sarkaalkan ayaa xalay lagu dilay qarax gaarigiisa loogu soo xiray oo lagu la beegtay, xilli uu marayay xaafadda Horseed ee Magaalada Marka. Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex ka mid ah ilaaladiisii.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan Cali (Biitooni) ayaa xilligaasi ku sii jeeday deegaanka Buufow, oo hoostagga Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Marka.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Marka, Maxamed Cismaan Cali (Yariisow) ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay uu ahaa walaalkii isaga ka yar.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in walaalkii uu hadda Hay'adda Nabad Sugidda ugu magacawnaa amniga deegaanada hoostagga Magaalada Marka.

Yariisow ayaa dilka walaalkii ku eedeeyay maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo sida uu sheegay uu kala dagaalami jiray inay gabaad ka dhigtaan Marka iyo deegaanada ku xeeran.

"Wuxuu ahaa Taliye Urur NISA ka tirsan, ciidamo badan ayuu hormuud u ahaa. Nin aad iyo aad u dadaal badan oo dowladnimada jecel, nabadda shacabkiisana jecel ayuu ahaa." Ayuu yiri Yariisow.

Yariisow ayaa yiri "Cadowga lala dagaalamayo ee Shabaab nin horjoogsaday oo meel ay ka mari waayeen, ay ka harsan waayeen, kana neefsan waayeen ayuu ahaa. Allaha u naxariisto."

Yariisow ayaa intaa ku daray in dadka reer Marka ay ka naxeen geerida naxdinta leh ee walaalkii ku timid, qoyskana ay uga tacsiyadeynayaan.

Xasan Biitooni ayaa lagu xusuustaa inuu kala furfuri jiray miinooyinka ay Shabaabku ku aasaan, min Marka, Janaale illaa Ceelwareegow.