Sarkaalkii iyo Askartii ku dhimatay dagaalkii Buurhakaba oo aas ballaaran loo sameeyay

Allaha u naxariistee Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Daraawiishta ee Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, Cismaan Xaaji Mursal (Kaarabiin) iyo askartii kale ee ku dhimatay dagaalkii saakay ka dhacay degmadaasi ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu aasay duleedka magaalada.

Salaadda Janaasada oo ay ka qaybgaleen qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa askarta loogu sameeyay fagaare ku yaala bannaanka hore ee magaalada.

Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Xaaji, Taliyaha Booliska Gaarka ah ee Degmada Buurhakaba, Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay aaska.

Dagaalkii maanta ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerartay magaalada, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, Mustaf Macalin Isaaq.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu ahaa mid la isku soo noqnoqday, ugu dambayna ay ciidamadu fashiliyeen sida uu yiri dhagartii Khawaarijta.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada ay dagaalka kaga dhinteen Taliye Kaarabiin iyo dhowr askari oo kale, iyana ay Shabaabka ka dileen ku dhawaad 20 xubnood, sida uu yiri.

Dagaalkan ayaa si guud u saameeyay magaalada, inkastoo ciidamadu ay ka hortaggeen in Shabaabku ay gudaha u soo galaan Buurhakaba, oo saaran waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu xooganaa ay Shabaabku muddo dhowr sano ahi ku soo qaadaan magaalada loogu magac-daray buurta weyn ee ay caanka ku tahay.

Reer Buurhakaba ayaa si weyn u hadal haya dagaalkan.