Senator Cabdi Qaybdiid oo sheegay in Galmudug aysan ahayn Koonfur Galbeed

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in Galmudug aysan ahayn meeshii lala soo aadi lahaa, waxa ay Dowladda Federaalka ka sameysay sida uu sheegay Magaalada Baydhabo.

Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa Dowladda Federaalka uga digay inay awood u adeegsato dadka reer Galmudug, iyadoo ku dirqineysa doorasho qof iyo cod oo hal dhinac u janjeerta.

"Aniga dadka cabsida ka qabo qof iyo codka ma ihi, laakiin waxaan cudurka u arkayaa qof iyo cod aan heshiis lagu ahayn oo qof uu wato weeye, waxa hadda meelo ka mid ah dalka oo laga fulinayay ay weli dhibaatooyinka ka taagan yihiin, wixii ka dhacay Koonfur Galbeed oo kale oo marin-habowga ahaa." Ayuu yiri Senator Cabdi Qaybdiid.

Senator Cabdi Qaybdiid oo booqasho ku jooga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu magaaladaasi u joogo inuu dadka reer Galmudug uga digo in dhexdooda dhibaato laga abuuro.

"Waxa hadda Baydhabo ka dhacay ma ahan meeshaan meeshii lala soo aadi lahaa, meeshaan way ka duwan tahay." Ayuu yiri Senator Cabdi Qaybdiid oo la hadlay Warbaahinta Shabelle.

"Waxaan qabaa nidaamka reer Galmudug ay leeyihiin oo madaxdoodu iyo hoggaankoodu ay qabaan inaan lagu xadgudbin. Qofku sanaadiiq waa gayn karaa, laakiin waxaa macno leh waxa dadku inay kula fahmaan oo dadku ay kula ogol yihiin baa muhiim ah, laakiin hadday tahay qoryihii sanka la iska gelinayay, diyaaradihii iyo dadkii lagu garaacayay Baydhabo, wax fiican inaysan ahayn kuwii lagu sameeyay way ogyihiin." Ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri "Haddeer maalin walba dad baa dhinta, maxaa dhibaatada keenay, waxaa keenay bulsho dhan oo meel degan baa la xoogay aayaheedii, fekerkeedii, garashadeedii, mustaqbalkeedii iyo dadnimadeedii baa lagu xadgudbay. Marka xadgudubkii wuxuu dhalay maanta in dadkii walaalaha iyo ehelka ahaa ee wada joogay inay is dilaan oo kala qaybsamaan bay keentay."

Hadalkiisan ayaa imanaya, iyadoo dadka qaarkii ay walaac ka muujinayaan in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ay ku dagaalamaan gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb.

Wada hadaladii u dambeeyay ee u socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), loogana hadlayay arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo sidii doorasho daahfuran looga qaban lahaa deegaanada Galmudug ayaan wax is afgarad ah laga gaarin.