Shabaab ka yimid Degmada Jilib oo ku biiray dagaalka Gobolka Jubbada Hoose

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya gurmad maleeshiyada Al Shabaab ah inay soo gaareen aagagga dagaalka ee Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan inta u dhaxeyso Degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalla.

Wararka ayaa sheegaya in gurmadka Shabaabka oo ka yimid dhinaca Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ay soo gaareen meelo u dhow deegaanada Harboole iyo Miido ee Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo ka soo gudbaya deegaanka Mareerey oo Webiga Jubba uu maro.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ujeedada gurmadka Shabaabku uu yahay, sidii ay ciidamada furin uga furi lahaayeen deegaanka Harboole, si ay culeyska uga yareeyaan maleeshiyadooda ku sugan deegaanka Dhasheeg Waamo.

Militariga Somaliya iyo Daraawiishta Jubbaland oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamka ayaa dhowr cisho ka hor bilaabay, sidii ay ku soo afjari lahaayeen maleeshiyada ka dagaalameysa hawdka Dhasheeg Waamo, taas oo keentay inay Shabaabku hadda gadaal ka soo kubaareeyaan ciidamada isku dayaya in ay isku ballaariyaan dhulka hawdka ee Dhasheeg Waamo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo gacan siinaya kuwa ku sugan jiidda Dhasheeg Waamo ay gurmadka Shabaabka ku hortaagan yihiin aagga deegaanka Harboole. Harboole waxay 40km u jirtaa Afmadow, halka ay 80km u jirto Kismaayo.

Deegaankan oo muhiim u ah isu socodka Afmadow iyo Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale mara waddo aadda deegaanka Mareerey, waana mid ka mid ah meelaha ay isaga xirmaan Gobolada Jubbooyinka (Labada Jubba) ama Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Inkasta oo Harboole ay tahay deegaan istiraatiiji ah, haddana militariga ayaad mooddaa in ay Dhasheeg Waamo u arkaan mid ka sii muhiimsan Harboole, maadaama qabsashada Dhasheeg Waamo ay culeys weyn ku noqon karto joogitaanka Al Shabaab ee Degmada Jilib, taasoo ah saldhiggooda ugu weyn ee dalka.

Si kastaba ha-ahaatee hawlgalka ka socdo Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta galay toddobaad.

Afhayeenka Ciidanka Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa Arbacadii sheegay in hawlgalka ka socdo gobolka uu bilowday 13-kii bishan, isla-markaana uu si xiriir ah uga socdo gobolkaasi.