Shabaab oo 5 nin ku toogtay Degmada Tiyeeglow

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay gelinkii dambe ee Jimcihii 5 nin ku toogteen fagaare ku yaala Degmada Tiyeeglow ee gobolkaasi.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Bakool ayaa fagaarahaasi ka sheegay in raggaasi ay u basaasayeen Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka.

Qaadiga ayaa sheegay in maxkamaddu ay ka hor qirteen eedeymihii loo soo jeediyay, ayna maxkamaddiisu ku xukuntay xukun dil toogasho ah.

Intaasi ka dib maleeshiyada Xisbada ee sida booliska oo kale u tababaran ayaa xukunka dilka ah ku fuliyay raggaasi.

Jimcihii hore oo taariikhdu ku beegneyd 2-dii bishan June, Shabaabka ayaa fagaare ku yaala deegaanka Buula Fuulaay ee Gobolka Baay ku toogtay 5 nin oo sidoo kale ay falal basaasnimo ku eedeeyeen.

Shabaabka ayaan aalaaba soo bandhigin caddeymo iyo qiraal muujinaya in xubnaha ay dilka ku fulinayaan ay basaasiin yihiin, marka laga soo taggo oraahda looga bartay ee ah (Isagaa/iyagaa qirtay).

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli gobolku uu ka socdo abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ku aaddan wejiga labaad ee hawlgalka la doonayo in maleeshiyada Shabaabka lagaga saaro deegaanada ay ka maamulaan Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.