Shabaab oo culeys soo saaray Degmada Qoryooley

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay culeys weyn soo saareen Degmada Qoryooley ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay soo buuxiyeen deegaanada hoostagga degmadaasi iyo weliba waddooyinka soo gala, maalmo uun ka dib weerarkii xooganaa ee ay Jimcihii ka gaysteen degmadaasi.
Shabaabka ayaa xilligaasi iska caabin xoogan kala kulmay Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo xoogaga madaniga ee degmada. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in duqayn ay markaasi gaysteen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga lagu dilay 30 ka mid ah xubnaha maleeshiyadaasi.
Ma cadda in Shabaabku ka careysan yihiin waxyeelada ka soo gaartay falcelinta ciidamada ee weerarkii ay ku qaadeen Degmada Qoryooley.
Dadka deegaanka ayaa isla dhex maraya in maleeshiyada Shabaabka ay doonayaan in ay go'doomiyaan degmadaasi.
Shabaabka ayaa sanadihii 2015-2016 si ba'an u go'doomiyay degmadaasi, taas oo curyaamisay wax soosaarkii beeraha ee degmadaasi, inkastoo ciidamo madani ah oo wixii xilligaasi ka dambeeyay la sameeyay ay ku guuldareysteen in degmada ka qaadaan cunaqabateyntii saarneyd.
Dhanka kale maleeshiyada Al Shabaab ayaa fiidnimadii xalay weerar madaafiic ah ku qaaday Xerada Ciidanka ATMIS ku leeyihiin deegaanka Danow oo u dhow Qoryooley.
Ciidanka Militariga Uganda ee degan Danow iyo Qoryooley ayaa la sheegaya in madaafiic xoog leh kaga jawaabeen weerarkaasi.
Hoobiye aan la garanayn cidda tuurtay oo ku soo dhacay Degmada Qoryooley ayaa la soo sheegaya in qof shacab ahi ku dhintay, afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Si kastaba ha-ahaatee culeyskan ay Shabaabku soo saareen degmadaasi ayaa walaac amni ku hayo dadka reer Qoryooley.


