Shabaab oo culeys soo saaray waddada Jowhar iyo Muqdisho

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay maalmihii ugu dambeysay culeys soo saareen waddada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi lagu arkayo waddada Jowhar iyo Balcad, gaar ahaan aagga deegaanka Qalimow. Qalimow waxay muhiim u tahay isu socodka Jowhar iyo Balcad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay Arbacadii waddadaasi ka kaxeysteen illaa toban gaari oo rakaab ay la socdeen, mid ka midana uu qaad u siday Magaalada Jowhar.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xalay la ogaaday in Shabaabku ay gaadiidkaasi iyo dadkii la socdayba geeyeen deegaanka Basra, oo ku taala waddada isku xirto Balcad iyo Afgooye, isla-markaana ay sii daayeen qaar ka mid ah rakaabkaasi, oo qaarkood ku sii jeeday Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar, qaarka kalena ay ku wajahnaayeen Caasimadda Muqdisho.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka ay Shabaabku ku reebteen deegaanka Basra ay ku jiraan dad ganacsato ah.
Tani ayaa baqdin ku keentay dadka ku safra waddada Jowhar iyo Muqdisho, oo billihii ugu dambeysay ay soo badanayeen dadka ku safra.
Maamulka Hirshabelle iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan weli ka hadlin Shabaabka soo hujuumay waddadaasi.


