Shabaab oo dad badan ka qafaashay Gobolka Shabellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dad fara-badan oo rayid ah ka qafaasheen deegaanada Ceel-bacad iyo Daaru-nimca oo hoostagga Degmada Ruunirgood ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay in ka badan 30 qof ka qafaasheen deegaanadaasi, saacadihii dambe ee xalay.

Shabaabka ayaa la sheegay in dadkan oo isugu jira carruur, dumar, dhallinyaro iyo dad da' ah ay ku eedeynayeen amar-diiddo, ka dib markii ay dhawaan ku amrayn in ay deegaanadaasi isaga baxaan. Dadkan ayaa u badan kuwo ehel la ah xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda, oo qayb ka ah hawlgalada Shabaabka lagaga saarayo dalka.

Gudoomiyaha Degmada Ruunirgood, Muxudiin Maxamed Kulmiye (Macalin Muxudiin) ayaa sheegay in Shabaabku ay si khasab ah ku kaxeysteen dadkaasi.

"Halkan dhibaatadii ugu foosha xumeyd ayay ka gaysteen oo afduub ah." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray "Dhibaato aan la arag oo la maqal oo Muslim iyo Gaalo lagu arag ayaa ka jira Degmada Ruunirgood."

Gudoomiyaha ayaa tirada dadka ay Shabaabku afduubteen ku sheegay dhowr iyo soddon qof, kuwaa oo ay ku jiraan carruur yaryar oo sida uu yiri umul ahaa.

Gudoomiyaha ayaa tani u aaneeyay hakadka ku yimid hawgaladii dib-u-xoreynta dalka, ee horaan sida dardarta leh uga socday deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, dhul ballaarana looga saaray Al Shabaab.

Macalin Muxudiin ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in dib dalka loo bilaabo hawlgaladii xididada loogu siibayay maleeshiyadaasi, isaga oo xusay in dadka reer Ruunirgood ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan hawlgalada Shabaabka looga suulinayo deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolka.

Ma cadda halka ay Shabaabku dadkaasi geeyeen, waxaase la tuhmaya in ay ula dhaqaaqeen deegaanada dhaca galbeedka gobolkaasi, oo ah dhulka ay haatan ka maamulaan gobolka.