Shabaab oo deegaanka Mubaarak ka wada dhaqdhaqaaq ay ku weerari karaan Awdheegle

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dhaqdhaqaaq ka waddo deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay maalmihii u dambeeyay kordhiyeen dhaqdhaqaaqa ay ka wadaan deegaankaasi oo hoostaga Degmada Awdheegle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay u hanqal taagayaan, sidii ay mar kale dagaal ugu qabsan lahaayeen Degmada Awdheegle, oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee Hawlgalka AUSSOM ay ka saareen 4-tii bishii October.

Shabaabka ayaa 15-kii bishii March weerar ballaaran kula wareegay gacan ku haynta degmadaasi, iyagoona ka soo weeraray dhinaca Mubaarak, iyadoo Mubaarak ay 10km jihada galbeed uga beegan tahay degmadaasi.

Shabaabka ayaa markii billo ka dib laga riixay Awdheegle ay isugu taggeen Mubaarak, oo ah deegaanka ay kaga xoogan yihiin deegaanada hoostaga degmadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fariisimo ku leh meel u dhow deegaanka Daarusalaam, kaas oo ku yaala inta u dhaxeyso Awdheegle iyo Mubaarak.

Warbaahinta ayaa dhowr jeer oo hore ka dardaar warisay in inta Shabaabku ay joogaan Mubaarak ay khatar ku yihiin amniga Awdheegle.

Militariga oo tan iyo 6-dii bishii October ku sugan meel ku dhow deegaanka Daarusalaam ayaan la aqoon, waxa muddadaasi ka hortaagnaa in ay hore ugu sii socdaan deegaanka Mubaarak.

Mubaarak waxay ka mid tahay deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose ee ay ciidamadu mar walbaba ka gaabiyaan in ay si buuxda ula wareegaan, lamana oga sababta ka dambeysa.

Inkastoo ciidamada ay haatan Awdheegle ka ilaaliyaan bannaanada labada kontorool ee magaalada laga soo galo, haddana taasi kuma filna sugidda amnigeeda, marka aad milicsato in khatarta argagixisada aysan ka fogeyn.