Shabaab oo dhaqdhaqaaq xoog leh ka wada Magaalada Ceelbuur

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dhaqdhaqaaq xoog leh ka wadaan Magaalada Ceelbuur ee bariga gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay qorsheynayaan in ay ka hortaggaan guluf ballaaran, oo kaga soo wajahan dhanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka.
Madaxtooyada Galmudug ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay u qalab qaateen, sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur.
Shabaabka ayaa Ceelbuur ku leh saldhigooda ugu weyn ee gobolka, waana magaalada ugu weyn ee ay haatan kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiikhow ayaa saaka xaqiijiyay in ay la socdaan abaabulka ay maleeshiyada Shabaabka ka wadaan magaaladaasi.
Wasiirka ayaa sheegay, ka dib markii Shabaab awoodoodii la wiiqay ay bilaabeen in ay hubeeyaan beelaha deegaanka, iyagoona ciidamada uga dhigaya sida uu yiri ciidamo beeleed ku soo duulay.
"Boqolkiiba sideetan (80%) nimankan awoodoodii waa la wiiqay, mana jirto dagaalo waaweyn oo hadda ay Ciidamada Dowladda kala kulmayaan, gaar ahaan deegaanadii ay haysteen ayay isaga baxayaan." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay ka feejigan yihiin qorshaha ay Shabaabka ku soo dagaal gelinayaan beelaha deegaanka.
"Marka waxaan is leenahay diyaargarowga Shabaabka iyo dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan, waa uun mid ay ku argagax-gelinayaan shacabka meeshaas degan, oo been u sheegayaan, kuna dagaal gelinayaan. Qabaa'ilaadkii deganaa deegaanada ayay hub u dhiibayaan, Ciidamada Dowladdana uga dhigaya ciidamo qabaa'il ah oo ku soo duulaya, si ay uga faa'iideystaan shacabka. Marka arrintaa waan ognahay, waana ka digtoonahay." Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiir Shiikhow ayaa xusay in Magaalada Ceelbuur ay maalmaha soo socda soo geli doonto gacanta qaranka.
Gulufkan ku wajahan Ceelbuur ayaa waxaa barbar-socda mid kale oo qorshuhu yahay in ciidamadu kula wareegaan Degmada Galhareeri.


