Shabaab oo gubay Masaajidkii deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta gubay Masaajidkii deegaanka Naaru-nimo ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii maleeshiyadaasi ay saakay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi oo hoostagga Degmada Ruunirgood.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabku ay miinooyin ku xirxireen dhismaha Masjidka, sidaana ay ku burburiyeen.

Xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano oo gacan ka helaya tiro yar oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta dib ugu laabtay deegaankaasi, iyadoona ay u suurtagashay inay ka saaraan Shabaabkii soo weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in muddadii Shabaabku ku sugnaayeen deegaankaasi ay sidoo kale miinooyin ku xireen ceel-biyoodyo, balse aanay qarxin.

Cabdicasiis Maxamed Caddow oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Masjidka la burburiyay uu ahaa kan keliya, ee ay dadka deegaanka ku cibaadeysan jireen.

Cabdicasiis Maxamed ayaa sheegay inaanay garanayn ujeedada ka dambeysa in Shabaabku burburiyaan Masjidkaasi maalin Jimce ah, dadkuna ay doonayeen inay ku tukadaan Salaadda Jimcaha.

Dhacdadani ayaa hadalhayn badan ka dhex dhalisay dadka deegaanka iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed, iyadoona ay dadka qaarkii ku macneeyeen mid ka tarjumeysa, sida Shabaabku uga fog yihiin Diinta Alle.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa horaantii sanadkan la wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, balse waxaa muddooyinkii ugu dambeysay deganaa Macawiisleyda.