Shabaab oo isaga baxay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxeen qaar ka mid ah deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada ay banneeyeen inta badan aagaggii ay kaga sugnaayeen inta u dhaxeyso Degmada Xarardheere iyo deegaanka Cammaara, sida Eryaal, Miiroon iyo Miliqo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay sidoo kale u muuqdaan kuwo ka qalab qaadanaya deegaanada Jowle iyo Dhalwo, loona maleynayo in ay ku sii jeedaan Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.
Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii duqayn xoogan ka gaystay deegaanka Miliqo, oo hoostagga Degmada Xarardheere, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Shabaabku ay halkaasi ku diyaariyeen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Duqayntan ayaa barbar socotay mid kale oo diyaarado joog hoose ku duulaya ay ka gaysteen deegaanka Baalaldheer ee Gobolka Galgaduud.
War ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in duqaymahaasi lagu dilay 27 ka tirsan xubnaha Al Shabaab, ka dib markii lagu bartilmaameedsaday saddex xarun oo Shabaabka ku lahaayeen deegaanadaasi.
Warka waxa kaloo lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan oo maleeshiyadaasi ay lahayd.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa dhowr jiho kaga sii socda dhulka ay Shabaabku ka maamulaan Koonfurta Gobolka Mudug.
Warbaahinta ayaa fahamsan in cududda Shabaabka ay haatan gobolka ka joogaan deegaanka Caad, oo ay ku wajahan yihiin ciidamadii maalmo ka hor la wareegay gacan ku haynta deegaanka Cammaara.
Sidoo kale aagagga kale ee Shabaabku kaga xoogan yihiin gobolkaasi waa deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo, oo iyana ay ku sii jeedaan ciidan ka ruqaansaday deegaanka Xiinlabi.
Ciidamada ayaa deegaanada ay gacanta ku hayaan Shabaabka ka go'doomiyay gobolka intiisa kale, ka dib markii ay jareen waddooyinka gala deegaanadaasi.
Shabaabka ayaad mooddaa in haatan ay caqabad ka haysato joogitaankoodii gobolkaasi.


