Shabaab oo isku dayaya in ay xaalad ka abuuraan Magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay soo buuxdhaafsheen tuulooyinka ku teedsan magaaladaasi, si ay u go'doomiyaan magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay doonayaan inay magaalada ka joojiyaan quutul duruuriga uga yimaada goobaha ka baxsan magaaladaasi.
Inkastoo Shabaabku aanay ka hadlin ujeedada ay ugu soo qulqulayaan tuulooyinka hoostagga magaalada, haddana wararka ayaa sheegaya in hadafkoodu uu yahay, sidii ay xaalad dhaqaale uga abuuri lahaayeen magaaladaasi.
Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle ayaa laga soo xigtay in ay xilli hore tahay in lagu hadaaqo in Shabaabku ay u socdaan go’doominta Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ee Jowhar, haddii aan illaa iyo hadda la soo sheegin wax gaadiid ah oo magaalada ku soo wajahnaa ay dib u celiyeen.
Magaalada Jowhar ayuu ganacsigeedu ku tiirsan yahay raashiinka & shidaalka looga keeno Magaalada Muqdisho iyo xoolaha nool ee kaga yimaada dhanka Gobolka Hiiraan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Haddii Shabaabku ay go'doomiyaan Magaalada Jowhar ayaa waxay noqonaysaa magaaladii labaad, oo muddo toddobaad ah ay go'doomiyaan.
Maleeshiyada Shabaabka ayaa toddobaadkii hore bilaabay in ay go'doomiyaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, taas oo sicir barar ku keentay magaaladaasi.
Tani waxay ku soo aadaysaa, iyadoo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay muddooyinkii ugu dambeysay diyaargarow ugu jirtay wejiga labaad ee hawlgalka la doonayo in lagu wiiqo maleeshiyadaasi.


