Shabaab oo isku dayaya inay fashiliyaan hawlgalka lagu qabanayo Jamaame

Ururka Al Shabaab ayaa dadaal ugu jiro, sidii ay u fashilin lahaayeen gulufka ballaaran ee Militariga Somaliya uu doonayo in lagu xoreeyo Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa toddobaadkii labaad hawlgal ka wada deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba ee hoostaga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad fara-badan oo kuwa Al Shabaab ah ay Degmada Jamaame uga soo gudbeen jiidda hore, ka dib markii ay ka yimaadeen dhinaca Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyadan ay Arbacadii iyo Khamiistii soo buuxisay difaacyadooda dagaalka, ka gadaal markii uu culeys ka soo fuulay dhanka ciidamada is garabsanaya ee wada hawlgalka lagu burburinayo dhufeysyada maleeshiyadaasi, si ay u gaaraan Jamaame.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay xoojiyeen dhufeysyada ay ku leeyihiin hareeraha waddada laamiga ee tagta degmadaasi iyo weliba jiinka webiga, oo ah meelaha dhinaca dhulka ee laga soo geli karo Jamaame.

Shabaabka ayaa inta badan dhufeysyadooda ku leh dhulka hawdka ee ku teedsan waddada laamiga, waana nooc ka mid ah tababka ama xeeladaha ay isaga qariyaan diyaaradaha dagaalka.

Horjoogeyaasha Al Shabaab ayaa Isniintii iyo Talaadadii xaasaska iyo carruurtooda kala baxay degmadaasi, tanina waxay ka dambeysay marar kala duwan oo toddobaadkii hore xagga cirka laga garaacay nawaaxiga Jamaame.

Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Nuur Mahad Xasan ayaa xiriirka uu Warbaahinta la leeyahay ku sheegaya in ciidamadu aysan hawlgalka joojin doonin, iyagoo aan cagta dhigin Degmada Jamaame.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee ciidamadu ugu dhaqaaqaan degmadan 19 bilood ka dib, markii uu dhicisoobay qorshihii bishii March ee 2024 lagu xorayn lahaa degmadaasi, markaas oo Shabaabku ay sameeyeen iska caabin xoog leh, taas oo hawlgalka ka dhigtay mid aan la xaqiijin yoolkii laga lahaa.

Shabaabka ayaa horey ugu guuleystay inay fashiliyaan isku dayo dhowr ah, oo qorshuhu ahaa in ciidamadu ay kula wareegaan gacan ku haynta Jamaame.

Jamaame ayaa ah meel ay ku xidideysteen maleeshiyada Al Shabaab, marka aad eegto inaanan mar qura laga saarin degmadaasi, muddadii 17-ka sano ahayd ee ay maamulayeen.

Jamaame ayaa ahmiyad gaar ah u leh Al Shabaab, sababtoo ah waa isha ugu weyn ee laga soo kubaareen karo Degmada Jilib.

Shabaabka ayaa ka dheregsan in qabsashada Jamaame ay caqabad ku noqon doonto joogitaankooda Degmada Jilib, waana tan keeneysa in ay ku mintidaan inaanan laga saarin Jamaame.

Shabaabka ayaa Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ku leh xaruntooda ugu weyn ee dalka, iyadoona gobolkan uu yahay gobolka keliya ee dalka ee ay Shabaabku ka wada arrimiyaan.

Al Shabaab ayaa xarunteeda u soo rartay Jilib, markii bishii October ee sanadkii 2014 dagaal lagaga saaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.