Shabaab oo ku jabay weerar ay ku qaadeen Degmada Ceeldheer

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, iyadoo uu ujeedkoodu u muuqday in ay la wareegaan degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo maleeshiyadu ay ku weerartay fariisimaha ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin afaafka hore ee degmadaasi, ka dibna ay weerar toos ah ku qaadeen xeradaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabku ay jihooyin kala duwan ka soo weerareen degmadaasi, isla-markaana ay iska soo horreysiiyeen gawaari ay ku soo rareen walxaha qarxa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay jilibka u laabeen weerarkaasi, isla-markaana ay si adag isaga caabiyeen Shabaabkii wax soo weeraray.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in Shabaabka qaarkood ay gudaha u soo galeen degmada, ha yeeshee ay dib uga gurteen, markii xabad meel walba lagaga keenay.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortaggeen in cadowgu uu qabsado xeradooda iyo weliba degmada.
Taliyaha Guutada 24aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Diyaar Cabdisalaan Sheekh Cali ayaa sheegay in Shabaabku ay sameeyeen isku day la mid ah midkii ay horey meelo badan uga sameeyeen, laakiin ay ku hungoobeen weerarkan ay ku soo qaadeen Degmada Ceeldheer.
Cabdiraxmaan Axmed Cumar (Cabdi Barre), Gudoomiyaha Degmada Ceeldheer ayaa ciidamada ku amaanay, sida ay dagaalka ugu jebiyeen kooxaha argagixisada.
Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamadu ay cashar u dhigeen sida uu yiri Khawaarijta, ayna awoodi waayeen inay qaataan meydadkooda iyo dhaawacyadooda.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa waxay sheegeen in ay nolosha ku hayaan maxaabiis ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab oo sida ay sheegeen lagu qabtay dagaalka, inkastoo aysan tiradoodu sheegin.
Saraakiil iyo askar ka tirsan kuwa Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dagaalkan.
Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa oo Shabaabku ku soo qaadaan Degmada Ceeldheer, tan iyo markii degmadaasi laga saaray intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka.