Shabaab oo maalintii 5aad ku go'doonsan deegaan ku yaala Gobolka Shabellaha Dhexe 

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa cadaadiska ku kordhinaya boqolaal ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, oo tan iyo Sabtidii ku go'oonsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa la sheegay inay saddex jiho ka kubaareeyeen maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan deegaanka Cali Fooldheere, gaar ahaan dhulka hawdka ee ku teedsan dhanka bari ee Webiga Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada ay dhawaan ka soo gudubtay daanta galbeed ee webiga, isla-markaana ay ciidamadu ka hortaggayaan in aanay weeraro ka gaysan deegaanada Hirshabelle.

Ka dib dagaalo maalmihii ugu dambeysay labada dhinac ku dhex marayay deegaankaasi ayaa waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in Shabaabku ay galeen godad ay kol horeba ka sii qoteen dhulka beeraha ee halkaasi ku yaala, isla-markaana ay ka dagaalamayaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay si tartiib tartiib ah ugu sii dhawaanayaan godadka ay Shabaabku gabaadka ka dhiganayaan.

Ciidamada ayaa waxaa dhanka cirka ka taageeraya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, hase ahaatee ay Shabaabku u muuqaan kuwo ku mintidaya, sidii ay goobtaasi u sii joogi lahaayeen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in illaa saddex boqol oo nin oo Shabaab ah ay ku sugan yihiin hareeraha webiga jiinkiisa.

Saraakiisha Militariga ayaa ku hanjabay in sida ugu dhakhsaha badan ay u soo afjari doonaan maleeshiyada Al Shabaab.

Warbaahinta ayaa fahamsan in deegaanka Cali Fooldheere uu yahay dhul ku wanaagsan gabaadka, in Shabaabku sii joogaana uu ka caawinayo in ay ka soo qaadaan weerarada gaadmada ah, waana sababta ay ciidamadu diiradda u saarayaan in ay gacan bir ah ku qabtaan amniga deegaankaasi.