Shabaab oo saaka weeraray xeryo ciidan oo ku kala yaala Hiiraan iyo Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saaka weerar xoogan ku ekeeyeen xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday qarax xoogan, ka dibna uu halkaasi ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse Al Shabaab ayaa sheegatay in maleeshiyadeeda ay si buuxdo ula wareegeen xeradaasi.
Waa weerarkii 2aad oo Shabaabku ka gaystaan deegaankaasi, tan iyo markii laga saaray horaantii sanadkan. 16-kii bishii hore ee February ayay ahayd markii Shabaabku uu weerar qarax weyn ku bilowday ka gaysteen deegaankaasi.
Dhanka kale wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saaka weerar kale ka gaysteen deegaanka Baardheere, oo hoostagga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay weerareen xero Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Weerarkan ayaa imaanaya, xilli Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan uu Sabtidii iclaamiyay guluf ka dhan ah maleeshiyadaasi, oo laga sameynayo deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaasi.
Shabaabka ayaa kordhiyay weerarada ay subaxnimada hore ka gaysanayaan xeryaha ciidamada, tan iyo markii Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku qaadday guluf weyn, oo dhul ballaaran lagaga saaray.


