Shabaab oo soo duldegay Xerada Gariley ee Gobolka Gedo

Xaalad baqdin ayaa laga soo sheegaya in ay ka jirto deegaanka Gariley ee Koonfurta Gobolka Gedo, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay soo duldeggeen deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay u muuqdaan kuwo doonaya in ay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi, maalmo uun ka dib weerarkii fashilmay ee ay Talaadadii ku qaadeen Xerada Gariley.

Xeradan ayaa waxaa dhawaan banneeyay Militariga Kenya ee ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoona xeradaasi ku wareejiyay ciidan yar oo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gurmad Shabaab ah oo ka yimid dhanka deegaanka Faa-faaxdhuun oo 80km u jirta Degmada Baardheere ay soo duldeggeen xeradaasi.

Tani ayaa baqdin ku keentay dadka deegaanka, kuwaa oo bilaabay in ay guryahooda isaga barakacaan. Dadku waxay gaarayaan tuulooyinka ku dhow dhow deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaanka Gariley, Maxamuud Cabdille Warsame ayaa sheegay in Shabaabku ay u muuqdaan kuwo aan wax darsi ka kororsan jabkii Talaadadii ka gaaray weerarkii ay ku soo qaadeen deegaankaasi, welina ay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay u diyaarsan yihiin in mar kale ka hortaggaan isku dayga Shabaabka ay ku doonayaan in ay kula wareegaan Gariley.

Khamiistii, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa General Cabaas Ibraahim Gurey u magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in dib-u-dhis lagu sameeyo Ciidanka Daraawiishta Qaybta Gobolka Gedo.

Gariley waa deegaan istiraatiiji ah oo ku yaala Koonfurta Gobolka Gedo, kuna dhow xadka Somaliya la wadaagto Kenya.

Xerada Gariley ayaa ka mid ah toddobo saldhig oo Hawlgalka ATMIS uu dhammaadkii bishii June ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka.