Shabaab oo ugu dambayn laga saaray dhulkii lagu go'doomiyay ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka, Xoogaga Difaaca Shacabka iyo kuwa Nabad Ilaalinta ee ATMIS ayaa soo afjaray hawlgalkii ballaarnaa ee lagu la dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab, ee horaan lagu go'doomiyay beeraha Ciid Ciidka ama Jimbilow oo ku yaala deegaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay si weyn u kubaareeyay maleeshiyada Shabaabka, oo godad ka sameystay beeraha Ciid Ciidka.

Hawlgalka oo ahaa mid maalin iyo habeenba leh ayaa keentay in ciidamadu ay isku fidiyaan aagaggii ay maleeshiyadaasi ka dagaalameysay, iyagoona goor dambe oo xalay ahayd soo afjaray hawlgalka.

Wararka ayaa sheegaya in qaar badan oo Shabaabka ka mid ah oo godadkaasi laga saaray ay dib ugu laabteen dhulka hawdka ee ku teedsan Webiga Shabelle, oo mar kale ay ciidamadu kaga daba taggeen, isla-markaana ay ka saareen.

Waddada hawdka waxa ay ahayd tan keliya ee Shabaabka u furneyd, marka aad eegto in ciidamada ay ka soo deggeen jihooyinkii kale.

Ciidamada ayay caqabad badani ka qabsatay in si dhakhsa ah u soo afjaraan maleeshiyada, ka dib miinooyin la sheegay inay ku wareejiyeen godadkii ay qaarka hoose kula jireen.

Qaraxyo waaweyn ayaa shalay illaa caweyskii xalay laga maqlayay deegaankaasi, sababtuna tahay weerar dhanka cirka ah oo jiray iyo Shabaabka oo la sheegayo in miinooyinkii ay aaseen la beegsanayeen gaadiidka gaashaaman ee Ciidanka ATMIS oo gudaha u galay goobihii ay ka dagaalamayeen. Tani waxay fududeysay in ciidamadii efantariga ahaa ay si fudud ku gaaraan godadkaasi, Shabaabkuna ay noqdeen wax la dila iyo wax kaloo u firxada dhulka hawdka ee dhanka webiga.

Taliska Ciidanka ATMIS ayaa shaaciyay in Al Shabaab laga saaray kaymaha Cali Fooldheere. Taliska ayaa warkan ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Shabaabka ayaa bartamihii bishii September ka soo gudbay daanta galbeed ee webiga, iyadoona imaanshahooda dhinaca bari ee webiga jiinkiisa loo arkayay mid khatar ku ah amniga Degmooyinka Mahadaay, Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Shabaabka ayaa maalmo badan ku fara-adaygayay, sidii ay u siii joogi lahaayeen Ciid Ciidka iyo guud ahaanba deegaanka Cali Fooldheere, bacdamaa ay u arkayeen goob ku wanaagsan gabaadka, isla-markaana ay ka soo qaadi karaan weerarada.

Hawlgalkan ayaa waxaa labadii maalmood ee ugu dambeysay hoggaaminayay Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin), kaas oo Axaddii gaaray Ciid Ciidka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle oo shalay gaaray Ciid Ciidka ayaa ciidamada ku bogaadiyay in ay hawlgalka dardargeliyaan, soon afjaraan Shabaabkii halkaasi ku sugnaa.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu adkaa ee lagu wajaho Shabaabka Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib dhawr iyo toban sano oo ciidamada kula dagaalamayeen gobolkaasi.