Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ay banneeyeen Ciidanka ATMIS

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo, maalmo uun ka dib markii Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS uu shaaciyay in xeradaasi ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland.

Militariga Kenya oo tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Xerada Gariley ayaa la sheegay in Khamiistii ay xeradaasi ku wareejiyeen  Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland. Tani ayaana qayb ka ah qorshaha uu Midowga Afrika ku dhimanayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen xeradaasi, qorshahooduna uu u muuqday in ay xerada la wareegaan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, mararka qaarkoodna la maqlayay qaraxyo.

Dadka degan xaafadaha ku dhow dhow xeradaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay si weyn isaga caabiyeen weerarkaasi, dhowr saacadood ka dibna ay Shabaabku dib uga baxeen deegaankaasi.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dagaalku uu gaystay, inkastoo aan macluumaad laga hayn inta uu khasaaruhu le'egyahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tiro askar ah oo dhaawacyo culus qaba loo qaaday dhanka Degmada Ceelwaaq. 

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Jubbaland iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay Gariley oo hoostagta Degmada Ceelwaaq.

Gariley waa deegaan istiraatiiji ah oo ku yaala koonfurta Gobolka Gedo, iyadoona ku dhow xadka Somaliya la wadaagto Kenya.