Shabaab oo weerar ku galay saldhig ku yaala Kenya

Wararka ka imaanaya Ismaamulka Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay goor dambe oo xalay ahayd weerareen saldhig boolis, oo ku yaala deegaanka Wargaduudo oo qiyaastii 42km dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Ceelwaaq.
Shabaabka ayaa la sheegay inay dhowr jiho ka weerareen saldhigaasi, saacaddu markay ahayd abaarihii 1:40am xilliga Geeska Afrika. Gargaduudo oo laga xukumo Mandhera ayaa ku taala waddada Ceelwaaq ee aadda Mandhera.
Inkastoo isgaarsiinta deegaanka ay tahay mid ciriiri ah, haddana ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag aad u hubeysan ay gudaha u galeen deegaankaasi, isla-markaana ay weerar culus ku ekeeyeen saldhigga halkaasi ku yaala.
Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay in maleeshiyada Shabaabka ay cagta mariyeen saldhigaasi.
Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan, ka hor inta uusan weerarku dhicin in Shabaabku ay burburiyeen anteenadii Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee ku tiilay Wargaduudo.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyadoona Dowladda Kenya aysan weli wax war ah ka soo saarin.
Andalus ayaa weerarkan ka dhacay Wargaduudo ku sheegtay, kiisii ugu horreyay ee cagmarin ah, ee ay Shabaabku ka gaystaan Gobolka Waqooyi Bari.
Khamiistii shalay, Shabaabka ayaa weerar culus kula wareegay gacan ku haynta Xerada Militariga Gariley ee Koonfurta Gobolka Gedo, inkastoo saacado ka dib ay suurtagashay in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay dib uga saaraan.
Gariley oo 12km u jirto xuduudda Kenya ayaa waxaa daba-yaaqadii bishii June banneeyay Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka ATMIS.


