Shabaab oo weerar qarax ku bilowday ku qaaday deegaanka Janaay Cabdalle

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saaka weerar xoogan ku qaadeen saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ka dibna ay xoogag hubeysani dhowr jiho ka weerareen saldhigaasi.

War ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyadooda ay cagta mariyeen saldhigaasi, warkaas oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo masuuliyiinta Jubbaland ayaan weli ka hadlin weerarkan ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

Shabaabka ayaa 16-kii bishii hore ee February sidaan oo kale weerar culus ugu qaaday saldhigga ciidamada ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa 21-kii bishii January la wareegay gacan ku deegaanka Janaay Cabdalle, oo 60km u jirta Magaalada Kismaayo

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli gobolku uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan, oo qorshuhu yahay in ciidamadu kula wareegaan gacan ku haynta Degmada Jamaame.