Shabaab oo weerar xoogan ku ekeeyay deegaanka Ceel La-helay

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay galabta weerar xoogan ku ekeeyeen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ku leeyihiin deegaanka Ceel La-helay ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay dhowr jiho ka weerartay ciidamada halkaasi degan, weerarkuna uu ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, uuna xigay dagaal fool ka fool ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay saacad ka dib ka baxeen deegaankaasi, ayna aadeen dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.
Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay weerar dhinaca cirka ah ku qaadeen maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaadday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay si degdeg ah dib uga gurteen deegaankaasi, oo caawa ay ku laabteen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidan dheeri ah oo laga diray Magaalada Dhuusamareeb ay xoojiyeen difaaca ciidamada.
Ma cadda khasaaraha uu dagaalku gaystay, balse waxaa la sheegaya in ay jirto dhimasho badan oo labada dhinac ah.
Dhaawacyada ciidamada ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Dhuusamareeb, halkaas oo xaaladooda lagu la tacaalayo.
Dhanka kale war ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyadeeda ay dagaalka ku dileen 71 askari, sheegashadaas oo aanay jirin cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa 6-dii bishan dagaal kula wareegay gacan ku haynta Ceel La-helay, oo ku taala waddada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, ka dib muddo dheer oo maleeshiyadaasi ay ka arrimineysay.


