Shabaabka Galmudug oo culeys weyn dareemay

Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dareemayaan baaxadda hawlgalka ballaaran ee kaga soo wajahan Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay.
Ciidamada ayuu qorshuhu yahay in maalmaha soo socda ay ku dhaqaaqaan Koonfurta Gobolka Mudug iyo Bariga Gobolka Galgaduud, si halkaasi kaga saaraan maleeshiyadaasi.
Wararka ayaa sheegaya inaanu dhaqdhaqaaq aan badnayn ka jiro goobaha ay Shabaabku kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug, waana xilli wejigii hore ee hawlgalka looga saaray inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Galmudug.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inaanu jirin wax gurmad ah oo illaa iyo hadda Al Shabaab uga yimid dhinaca Gobolada Koonfureed, taas oo loo aaneynayo ciidamada oo isku ballaarinaya xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe iyo iyagoo ka baqdin qaba weerarada dhanka cirka.
Shabaabka ayaase la fahamsan yahay in ay isku dayi doonaan in ay difaacdaan gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur, iyagoona dhufeysyo waaweyn oo ay ka difaacanayaan ka sameystay deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne.
Diyaaradaha saaxiibada caalamiga ayaa la filayaa in door weyn ka qaataan wejiga labaad ee hawlgalkan, oo wareegiisa hore la doonayo in Shabaabka lagaga saaro deegaanada Galmudug, marka xigtana ay ciidamadu xoreeyaan dhulka ay ka joogaan daanta galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle.
Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa mar sii horreysay sheegay in illaa toban kun (10,000) oo askari loo diyaariyay gulufka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa isna sheegay in xoogagii ugu badnaa oo deegaanka ah lagu diyaariyay Gobolka Galgaduud, kuwaa oo sida uu sheegay ka qayb qaadan doona hawlgalka lagu qabanayo Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.
Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo horey u soo noqday Sarkaal ka tirsan Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ku taliyay in ciidamadu ay si feejigan uga hawlgalaan Magaalada Ceelbuur, kolka ay ka saaraan Al Shabaab, bacdamaa ay muddo dheer ahayd goob ay ka arrimiyaan Shabaabka, isla-markaana ay dowladdu dib u soo celiso adeegyadii aasaasiga ahaa ee ka jiray.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan saldhig ka sameystay Magaalada Dhuusamareeb ayaa gadaal ka riixaya in muddo kooban looga takhaluso Shabaabka Gobolada Dhexe, ka dibna ay ciidamadu u ruqaansadaan goobaha ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka go'an in ay jiridda u siibto Shabaabka ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo joogitaanka dalka ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, oo Villa Somalia ka taageera howlaha amniga iyo xasillinta dalka.


