Shacabka Baydhabo oo ka cabsi qaba in weeraro cusub laga abaabulo gudaha magaalada

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jira guux ku saabsan in xoogaga taageersan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay markan weerarada ka abaabuli karaan gudaha magaaladaasi, ka dib weerarkii xooganaa ee Isniintii ay ku soo qaadeen magaalada.

Dadka ku nool magaalada ayaa waxay ka cabsi qabaan in weeraro kale laga abaabulo gudaha magaalada. Cabsidan ayaa timid, ka dib dagaalkii cuslaa ee maalin ka hor ka dhacay bartamaha magaalada, iyadoo aan gudaha Baydhabo laga samayn hawlgal sifayn ah.

Ciidamada magaalada soo weeraray ayaa Baydhabo ka soo galay hal jiho, balse markii laga saarayay bartamaha magaaladaasi ayay uga baxeen jihooyin kala duwan, kuwaas oo qaarkood la tuhunsan yahay in ay weli ku sugan yihiin magaalada.

Weerarku wuxuu ahaa mid ka xoogan weerarkii ay sidaan oo kale 30-kii bishii May gudaha ugu soo galeen magaalada, marka aad eegto saacadaha uu socday iyo khasaaraha nafeed ee uu gaystay.

Taageereyaasha Laftagareen ee Isniintii isku soo fidiyay magaalada ayaa isugu jiray ciidamo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad ku heyb ah Laftagareen, inkastoo Wasaaradda Gaashaandhiga ay sheegtay in ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo maleeshiyada Al Shabaab ay si wadajir ah u soo weerareen magaalada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarka laga soo qaaday bannaanka magaalada, isla-markaana ay ku lug lahaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Dadka reer Baydhabo ayaa walaac ka muujinaya in ciidamada hubeysan ee la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin magaalada ay ka sameeyaan qalqalgelin amni.

Dadku waxay ka welwelsan yihiin inaanu amnigu ahayn mid sugan, isla-markaana aan hal dhinac gacanta ugu jirin, taasna ay halis ku tahay ammaankooda iyo in si nabad ah loogu noolaado magaalada.

Baydhabo ayaa waxaa ka socdo kulamo looga hadlayo ammaanka iyo suurtagalnimada in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xasillinayo magaalada.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan shan nooc oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, oo kala ah Gorgor, Polizia Militare, Haramcad, NISA iyo Ciidanka Guutada 8aad, Qaybta 60aad ee Xoogga Dalka.

Ciidamadan ayaa waxaa magaalada ku wehlinaya ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo isugu jira Booliska iyo Nabad Sugidda Baydhabo, Birmadka iyo Ciidanka Daraawiishta.

Is bedelka siyaasadeed iyo amni ee ay Dowladda Federaalka 30-kii bishii March ka sameysay Baydhabo ayaa magaalada ku soo kordhiyay dhacdooyin amni darro.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyay Ex Madaxweyne Laftagareen ayaa maamulkiisii ka saartay Baydhabo, taas oo keentay in magaaladu gasho xiisado amni, iska horimaadyo hubeysan iyo cabsi soo wajahday dadka shacabka ah.