Shacabka oo is garabtaag u muujinaya ciidamada hawlgalka ka wada Gobolka Hiiraan

Waxaa soo badanaya dadka is xilqaamaya ee taageerada u fidinaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Difaaca Shacabka ee maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamaya bariga Gobolka Hiiraan.

Shacabka oo siyaabooyin kala duwan isugu abaabulaya meelo ka mid ah gobolkaasi ayaa si joogta ah deeq u gaarsiinaya ciidamada deegaanka Aboorey ka wada hawlgalka lagu soo afjarayo maleeshiyadii soo gashay 6-dii bishan.

Saraakiisha Militariga ayaa deeqda la soo gaarsiinayo ciidamada ku guddoomaya deegaankaasi, iyagoona u mahadcelinaya shacabka.

Sidoo kale waxaa jira dhakhaatiir iyo shaqaale kale oo caafimaad oo is xilqaamay, isla-markaana deegaankaasi u jooga gurmad degdeg ah, oo ay u fidinayaan dhaawacyada askarta.

Dr. Shariif Maxamed oo gelinkii dambe ee Jimcihii ku hadlayay afka dhakhaatiirka heeganka ku ah Aboorey ayaa sheegay in ay xaalad kasta diyaar u yihiin daryeelka askarta ku dhaawacanta dagaalka.

Dr. Shariif Maxamed ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ku bogaadiyay hawlgalka ay dalka kaga citibtirayaan sida uu yiri Khawaarijta.

Wacyiga shacabka oo xoogeysanaya ayaad arkaysaa in ay soo badanayaan dadka ku baraarugsan in dhiigga ay shubayaan uu qayb ka yahay badbaadada nafta askarta u taagan difaaca dalka.

Taageerada shacabka ayaa dhiirigelin u ah ciidamada, waxa ayna sare u qaadeysaa mooralka ay u hayaan dagaalka ay dalka kaga saarayaan Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Sabtidii sheegay in qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu waajib ka saaran yahay, sidii uu uga qayb qaadan lahaa dagaalkan.

“Maantay, waxaan dagaal kula jirnaa argagixiso caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda kala duwan. Sidaasi daraadeed si aan jiritaankeenna iyo dowladnimadeenaba u xaqiijino qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah waxaa masuuliyad ka saaran tahay oo waajib ku ah, sidii ay uga qayb qaadan lahayd dagaalka socdo, qof walba inta ay kari karto.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Gudoomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa Arbacadii shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay, dal iyo dibadba inay gacmaha is qabsadaan, meelna kaga soo jeestaan la dagaalanka cadowga, isla-markaana uu qof kasta wixii uu awoodo ku taageero ciidamada.

Bariga Gobolka Hiiraan oo ciidamadu ay hadda hawlgal ka wadaan ayaa ah halka uu ka bilowday wejigii koowaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, ka dib dhacdo ay dadka deegaanka ka caroodeen oo horaantii bishii September ee sanadkii 2022 ay Al Shabaab ku leysay dad safar ahaa, gaadiid ganacsina ay ku gubtay waddada xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Kacdoonkan ayaa ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, waxayna suurtagelisay in Shabaabka laga saaro inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, inkastoo maleeshiyada ay dib ugu soo laabatay meelaha qaarkood, sababtu tahay ciidamada oo dib uga soo gurtay.

Dowladda Federaalka oo xilligaasi ka faa'iideysatay kacdoonkaasi dadweyne ayaa hubeysay shacabka ku dhaqan goboladaasi qaarkood, si ay ciidamada uga gacan siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Hawlgalka oo hakaday daba-yaaqadii sanadkii 2023 ayaa waxay sahashay in Al Shabaab ay ku soo xoogeysato goobihii qaar ee laga saaray.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale ka shaqeynaya, sidii guluf kaloo weyn loogu kicin lahaa dhulka ay Al Shabaab ka maamusho Gobolada Dhexe.