Shacabka reer Hiiraan oo la faray in ay ka fogaadaan deegaanada ku dhow dhow webiga

Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan ayaa la faray in ay ka fogaadaan deegaanada ku dhow dhow Webiga Shabelle, xilli gobolkaasi uu dib uga bilowday dhaqdhaqaaq ciidan oo ku wajahan deegaanada maleeshiyada Al Shabaab ka maamulaan daanta galbeed ee gobolka.

Gobolka ayaa lagu wadaa in uu ka bilowdo wejiga labaad ee hawlgalka la doonayo in lagu wiiqo maleeshiyadaasi.

Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in ay guda galeen u diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka, ka dib awaamiir ay ka heleen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu hadda ka socdo deegaanada ku teedsan jiinka webiga, laga soo bilaabo min Beledweyne, Halgan illaa Buulo Burde.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Qaybta 27aad uu mar dhow ciidamada u dhaqaajin doono dhinaca galbeed ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo Shabaabku ay weli kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Taliyaha Ururka 41aad, Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Xuseen Xasan Joodax (Hoorow) oo ciidanka deegaanka ee Macawiisley kula hadlay Degmada Buulo Burde ayaa bogaadiyay doorka Odayaasha Dhaqanka ee ku aaddan in ay wax ka hoggaamiyaan hawlgalka.

Taliyaha oo sheegay in hawlgalkoodu uu iminka ku wajahan yahay deegaanada dhaca daanta galbeed ee Webiga Shabelle ayaa ciidamada faray inaanay dhibaateen dadka rayidka ah, isla-markaana aanay lahayn bartilmaameed aan Shabaab ahayn. Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay shacabka badbaadiyaan.

Nabadoon Cali Cumar (Qaansaweyne) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee hubka u qaatay la dagaalanka Al Shabaab ayaa goobta ka sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay ka fogaadaan deegaanada ku teedsan webiga jiinkiisa, si aysan waxyeelo kaga soo gaarin gulufka la qorsheeyay in xididada loogu siibo Shabaab.

Nabadoon Qaansaweyne ayaa sheegay in waxgaradka deegaanka ay isu waafaqeen inaanan la cafin nin kasta oo ka tirsan Shabaabka, da'da uu doonaba ha jiree.

"14 iyo 80 jir wixii u dhaxeeyo nin la cafinayo ma jiro, ogaada, ogaada nin la cafinayo inaanu jirin." Ayuu yiri Nabadoon Qaansaweyne.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Tawane Axmed Gurey, Abaanduulaha Qaybta 27aad, Korneyl Isaaq Cismaan Idiris iyo Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalkan.

Wejigii hore ee hawlgalka ayaa waxaa abaabulkiisa iyo dardargelintiisaba lahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, kaas oo muddooyinkii ugu dambeysay uu khilaaf xoogani kala dhaxeeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo bishii hore xilka ka qaaday.

Inkastoo aan weli khilaafkaasi la dhammeen, haddana Dowladda Federaalka ayaa waddo dadaalo ay ku dooneyso in khilaafka lagu soo afjaro.

Arbacadii, waxaa gobolka gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka ee gobolkaasi, isagoona ka degay Magaalada Beledweyne.

Villa Somalia ayaa la fahamsan yahay in ay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ka codsatay in uu gacan ka gaysto xallinta xiisadda siyaasadeed ee muddada 6-da toddobaad ka badan ka taagan gobolka, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in uu ka cudurdaartay.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kana soo jeeda gobolka ayaa la sheegay in ay xiriir joogto ahi la leeyihiin Ugaaska, isla-markaana aanay ka quusan isku daygooda ay kaga dhaadhicinayaan in arrinta gobolka uu wax kala qabto.

Gobolka Hiiraan ayaa xudun u noqday kacdoonka dadweyne ee lagaga soo horjeedo Al Shabaab, ka dib markii Shabaabku horaantii bishii September ay dad safar ahaa ku lahaayeen, gaadiid ganacsina ku gubeen waddada xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas. 

Kacdoonkan ayaa markii dambe ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, keentayna in maleeshiyada Al Shabaab laga saaro inta badan dhulkii ay ka haysteen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.