Shariif Sheekh Axmed: Aad ayaan uga xunahay waxa ka dhacay Galmudug

Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay ka xun yihiin waxa ka dhacay Galmudug ee ku aaddan in Dowladda Federaalka ay talada dadka reer Galmudug ka bixisay gacantooda, si ay maamulkaasi uga qabato doorasho natiijadeeda la sii ogyahay.
Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu kala qaybiyay dalka, isagoo tixraacaya dastuurka la bedelay iyo in uu ka shaqeynayo nooc doorasho oo aan heshiis lagu ahayn in dalka laga qabto.
"Maanta, waad la socotiin Maamul Goboleedyadii xooggaa lagu wada dardaray. Waxaa ugu dambeysay Galmudug, aad ayaan uga xunahay waxa ka dhacay wax dadka Soomaaliyeed iyo dadka reer Galmudug u khalma ma aha in taladoodii gacanta lagu maroojiyo oo shalayna la yiri doorasho la'aan iska jooga, maantana wixii la rabo laga sameeyo, talada Madaxweyne Xasan Sheekh waa taas, taasina Soomaali ma anfacdo, waxayna u baahan tahay in laga dhiidhiyo oo laga horyimaado." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka.
Hoggaamiyaha oo xalay ka hadlay xaaladaha cakiran ee dalka iyo is qabqabsiga siyaasadeed ee ka jira ayaa soo hadal qaaday wixii ka dhacay Koonfur Galbeed, oo uu sheegay in dhiig uu ku daatay, welina uu ku daadanayo.
"Sidaas oo kale wixii ka dhacay Koonfur Galbeed dhiigaa ku daatay, illaa iyo haddana dhiig ayaa daadanaayo, doorashadu siday u dhacdayna waan ognahay, iyadana wixii la sugaayay iyo wixii la filaayay ma aha, dadka Soomaaliyeed-na waxaan aaminsanahay wacyigoodu maanta waa buuxaa, aqoontii la rabayna waa leeyihiin, dad wax la socdo oo dowladnimada fahamsana waa yihiin." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay Caasimadda Muqdisho.
Waxa kaloo uu yiri "Sidaasi waxaa la mid ah Hirshabelle oo iyadana sidoo kale loogu socdo. Marka doorasho qori, beebe oo ciidan amni iyo militari wadato, doorasho ma aha. Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh laga sugaayay ma aha taas."
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxa uu yiri "Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu asalkiisu ka yimid tacliin. Macalinimuu ka yimid, intuu maanta qori qaato oo la celin waayo, runtii waa nasiib darro."
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inay waddo caburin, isla-markaana aysan ka aamusi karin ficilada xadgudubka ee lagu gaysanayo shaarka dowladnimada.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa tilmaamay in Ciidamada Qalabka Sida loo adeegsanayo in lagu caburiyo, laguna dhibaateeyo dadka ka ra'yiga duwan dowladda, bedelkii xoogga la saari lahaa dagaalka Al Shabaab.
Shariifka ayaa ka digay in qaabka ay dowladdu wax u waddo uusan horseedi doonin amni, balse uu dhalinayo amni darro.
"Dulmigaasi wuxuu dhalinaayo ma ahan nabad ee wuxuu dhalinayaa amni darro, maxaa yeelay wuxuu ku dhisan caddaalad darro. Xuquuqda qofka muwaadinka ah oo la duudsiiyo, amni kuma dhasho. Marka amniga Shabaab iyo amniga dowladda maxay ku kala duwan yihiin, ma sheegi kartaa adiga waxay ku kala duwan yihiin, maxaa yeelay mid kastaba wuxuu ku dhisan yahay xoog. Kuma dhisna feker, aragti iyo xorriyad ee wuxuu ku dhisan yahay nidaamka meesha ka jira haddaad ka hortimaado xabsi iyo dhibaatayn."
Nuxurka hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ahaa in la joojiyo waxyaabaha sii hurinaaya xasaradaha iyo in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.


