Shariif Sheekh Axmed oo dowladda ku dhalleeceeyay ficiladeeda Baydhabo

Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya ayaa ka hadlay xaaladda walaaca leh ee soo wajahday bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegeen gacan ku haynta magaaladaasi.
Ciidamada Militariga ayaa 30-kii bishii March gudaha u galay magaaladaasi, iyadoona hawlgalkaasi uu dhabaha u xaaray in uu is casilo Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Dadka reer Baydhabo ayaa si diiran u soo dhaweeyay is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay magaalada, waxayse dib kaga qoomameeyeen is bedelkii ay taageereen, sababtu tahay waa inay ka dhaxleen xaalad amni darro.
"Baydhabo maalintii hore ay ciidanku galeen, shacabka way mashxaradeen, wayna farxeen, hadda meesha ay taagan yihiin waad ogtihiin. Waxa hadda Baydhabo ka dhacayo haddii laguu sheego, madaxaa qabsaneysaa." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka oo galabta Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho.
Waxa uu dhaliilay hannaanka ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u mareyso doorashada qofka iyo codka ee lagu wado inay 10-ka bishan ka qabsoomto Baydhabo.
"Waxaan aniga ka sii yaabay in lacag laga samaynayo, qofkii meeqaa laga rabaa mala idiin sheegay, kun dollar oo meel ah iyo 150 meel ah, lacagaa laga sameynaa." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo intaa raaciyay "Hal xisbi iyo 10 xisbi oo mataano la ah oo lacagtii loo dhiibaayo. Dhulkii Muqdisho ayaa la gaday, Baydhabo ayaana loo diray. Haddaad adiga xitaa isa soo sharaxdo oo is qortid ma arkeysid."
Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku celcelinayo inuu doonayo in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod, haddana qaabka loo maamulayo ay liddi ku tahay inay doorashadu noqoto mid hufan oo xor iyo xalaal ah.
Shariifka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay "Madaxweynow, dalkan hadda dhibka aad gaarsiin kartay waad gaarsiisay, intaanaa culeys ku ah, iimaanka Allaha ku galsho iska fariiso. Intaan ka badan lama qaadi karo, waa la dhibtowday."


