Shariif Sheekh Axmed oo ku baaqay bannaanbax ballaaran
Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya ayaa ku baaqay mudaaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay buu yiri falalka waxashnimada ah iyo dhul boobka ka socda Magaalada Muqdisho.
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in mudaaharaadku uu Sabtida ka dhici doono saddex goobood oo ku yaala magaalada, kuwaas oo uu ku kala sheegay Siinaay, Dayniile iyo Tarabuunka.
"Mudaaharaadku wuxuu bilaabanayaa Ilaahay idiinkiisa maalinta Sabtida ah, bishan aan ku jirno ay tahay 27-ka. Wuxuu ka dhacayaa saddex goobood, goobta koowaad waa Siinaay, goobta labaad waa Dayniile, goobta saddexaadna waxaa waaye Tarabuunka." Ayuu yiri Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah isbahaysiga ugu weyn ay leeyihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka.
Shariif Sheekh Axmed oo caawa shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa shacabka ku booriyay inay u soo baxaan mudaaharaadkan, oo sida uu muujiyay ay xad ugu yeelayaan Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku eedeeyay inay xadkeeda ka gudubtay.
"Waxaa la rabaa qof walboo Soomaali ah, qof walboo damiir leh inuu u soo baxo. Tuugada haddaanan ka hortagin guryaha ayay noogu imaanaayaan, kuma joogsanayaan sidaas, xuduudee dhaafeen, way is mahdiyeen. Waxaa la rabaa xadkooda in lagu celiyo." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Isagoo sii hadlayay ayuu yiri "Sida aad sheegeyseen maanta laga hadli maayo dastuur, doorasho, Shabaab ha lala diriro, laga hadli maayo ummadda ha la isku keeno ee waxaa laga hadlayaa tuuganimo iyo tuuganimo la difaacanayo."
Shariifka ayaa mudaaharaadkan iclaamiyay, ka dib is rasaaseyntii gelinkii dambe ee maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho, isla-markaana daba socotay waalidiintii goor sii horreysay ee maanta ahayd lagu jirdilay xaafadda Siinaay ee Degmada Warta Nabadda.
Is rasaaseyntan oo dhex martay Ciidanka Booliska iyo kuwa Ilaalada Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa sii hurisay is mari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Villa Somalia iyo mucaaradka, kuna aaddan nooca doorasho ee la doonayo in sanadka soo socda dalka laga qabto, oo aysan illaa iyo hadda heshiis ku ahayn.