Shariif Sheekh Axmed oo mar kale baaq u diray ciidamada amniga

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa cambaareeyay xarig xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta, Cumar Cali Rooble, haddana ka tirsan Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, kaas oo lala xiray Xaaji Cali Iimaan iyo Cabdiqaadir Maxamuud Cilmi (Bulaale).

Wararka ayaa sheegaya in saacado ka dib xabsiga laga sii daayay xubnahaasi, ka dib markii arrintooda ay waan-waan ka galeen xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

"Falkan afduubka ah wuxuu weji gabax iyo ceeb ku yahay cid kasta oo soo abaabushay, wuxuuna dhaawacayaa xasilloonida, amniga iyo kalsoonida bulshada ay ku qabi karto Xukuumadda Federaalka ah, oo markaan u soo dhar dhigatay, una bareertay ku xadgudubka karaamada shacabka iyo masuuliyiinta." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya oo warkan ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa ciidamada amniga ugu baaqay inay ka fogaadaan sida uu yiri in loo adeegsado dano siyaasadeed oo guracan.

"Waxaan ciidamada ammaanka ku boorinayaa inay ka fogaadaan in loo adeegsado dano siyaasadeed oo guracan iyo cabburinta bulshada caasimadda, taasoo hadda u muuqata inay xaduudda sharciga ah dhaaftay." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Xubnahan ayaa la xiray wax yar uun ka dib, markii Siyaasiyiinta Mucaaradka sida la sheegay ay warqad fasax ogolaansho oo bannaanbax ah ay u direen Wasaaradda Amniga, iyagoo ka jawaabaya warkii Dowladda Federaalka ee ahaa in aan fasax la'aan la qaban karin wax bannaanbax ah.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta ayaa habeen hore ku baaqay mudaaharaad nabadeed, oo sida uu yiri lagu diidan yahay falalka waxashnimada ah iyo dhul boobka ka socda Magaalada Muqdisho.

Hay'adaha ammaanka ayaa illaa iyo hadda u muuqdo kuwo qaadaya tallaabooyin ay kaga hortagayaan mudaaharaadka ay mucaaradku iclaamiyeen in Sabtida ay ka dhigi doonaan magaalada.