Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in Ciidamada Dowladda ay gaysteen dhacdo naxdin leh
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ahna Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo kordhiyeen inay gaystaan waxyaabo ka baxsan ujeedadii loo dhisay.
Hoggaamiyaha Mucaaradka oo xalay ka hadlayay shir jaraa'id, ka dib kulan ay Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamadu bilaabeen inay dadka dilaan, ka dibna ay meydkooda ku xiraan gaadiidka, si ay dhulka ugu jiidaan.
"Waxyaabaha soo kordhay waxaa ka mid ah dilalka. Maanta oo kale waxyaabaha aadka loo wareejinayo ee naga nixiyay waxaa ka mid ah Ciidanka Booliska ama Ciidanka Dowladda inay intay dad dilaan, meyd xiraan ay jiidaan. Maxaa keeni kara? Ciidanka Dowladda soo kii loogu talagalay ma aha dadka inuu ilaaliyo? Goormay isku bedeleen Shabaab, argagixiso iyo cadow?" Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.
Shariif Sheekh Axmed ayaa daba joogo dhacdo ay dadku ka argagaxeen oo Axaddii ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha, ka dib markii askar ka tirsan kuwa booliska lagu eedeeyay inay dileen marxuum Bashiir Cabdullaahi Macalin Xuseen (Bashiir Manaabe), ka dibna ay meydkiisa dhulka ku jiideen.
"Waxaan rabnaa Ciidamadeenna Qalabka Sida inaan kula dardaarano mushaarka aad qaadatiin ama magaca Soomaalida ayaa lagu keenaa ama canshuur iyaga laga qaaday waaye. Yaan la idiin adeegsanina dadkiinna inaad dhibaateysiin. Arrintaasi waa khatar. Ciidanku quluubta dadka Soomaalida ah waa ku weyn yahay, haybaduu ku leeyahay, haybadda haka dilina." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waxa kaloo uu yiri "Haddii madaxdii ay ka weecatay dariiqii wanaagga oo iyagu sumcaddoodii ay baabi'iyeen, haku raacina."
Shariif Sheekh Axmed ayaa ciidamada xusuusiyay in loo dhisay la dagaalanka kooxaha argagixisada, isagoona ku booriyay inaanan loo adeegsan dhibaataynta shacabkooda.
"Waxaan rabaa halkaas inaan ku darsado ciidanku waa inuu yaqaano wixii loo abuuray. Waxaa loo abuuray cadowga maanta taagan ee Al Shabaab iyo Al Qaacidda inay la diriraan waaye. Inay dad khasbaan oo doorasho u dareeriyaan, inay madax dhibaateeyaan iyo inay shacab dilaan looguma talagelin, qof kasta oo dulmi ka shaqeeyana maalinaa la xisaabin doonnaa, Ilaahay idiinkiis." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.









